Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Garsoore Soomaaliyeed oo Dhexdhexaadin doona Ciyaarta Furitaanka Tartanka CECAFA ee ka furmaya dalka Suudaan

$
0
0

Sudan(RBC Radio) Garsooraha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Xasan Wiish Xaaji yabarow ayaa daqiiqado ka hor loo magacaabay in uu dhex dhexaadiye ka noqdo cayaarta furitaanka tartanka CECAFA Kagame Club Cup.

Xasan Wiil ayaa loo gartay inuu garsoore ka noqdo ciyaarta furitaanka tartanka CECAFA  oo barri ka furmaya gobalka South Gordofan ee dalka Sudan oo ay ku har-dami doona kooxda Al-hilal ee dalka Sudan iyo kooxda URA ee dalka Uganda Garsooraha iyo caawiyeyaashiisa ayaa looga dhawaaqay kulan shalay galinkii danbe  ka dhacay magaalada Kadugli.

War qoraal  oo kasoo baxay kulanka CECAFA lagu shaaciyey in  garsooraha Soomaaliyeed Xasan Wiish Xaaji Yabarow uu dhexdhexaadin dono ciyaartaa halka ay  calan wadayaasha koowaad iyo Labaad u kala noqon doona  Hakizimana Ambroise oo u dashay dalka  (Rwanda) iyo Abdullahi Mahamoud oo kasoo jeeda Jamhuuriyadda  (Djibouti) halka Louis Hakizimana oo u dhashay (Rwanda) uu isna noqon doono  garsooraha kayydka.

Cabdi Cabdulle Axmed  oo ah Madaxa xafiiska horumarinta garsoorayaasha ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta  ayaa warbaahinta u sheegay in garsooreyaasha Soomaaliyeed ee hada ku sugan Darfur iyo south Gordofan ay yihiin kuwo xiriirku kalsooni weyn ku qabo aqoontooda iyo kartida ay u leeyihiin shaqada ay qabanayaan,wuxuuna intaa ku daray iney sharaf weyn u tahay xiriirka Soomaaliyeed arintaasi.

“Aad ayaan ugu kalsoonahay in Garsoore Wiish uu qaban doono cayaarta finalka maalin maalmaha ka midana uu ka dhex muuqan doono koobka aduunka—waa meeshaas meesha aan hamineyno sababtoo ah shaqadiisa iyo xiriirka dhanka indhaha ah ee uu sida joogtada ah ula sameynayo calan wadyaashiisa ayaa ah mid aad u sareeya”ayuu yiri  Cabdi Cabdulle Axmed.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles