Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay iney ka gaabisay wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowladihii kumeelgaarka ahaa kana mid ahaa Musharixiinta isku soo sharaxay qabashada xilka madaxweynanimo ee Soomaaliya doorashadii Bishii Sep ee sanadkii hore ka dhacday Soomaaliya ayaa si kulul u weerar hannaanka ay dowladdu u wajahday sugidda amniga dalka.
Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in la dayacay sugida amniga caasimadda Muqdisho,wuxuuna daboolka ka qaaday iney tahay wax aysan shacabka Soonaaliyeed sugeen in madaxtooyada Madaafiic lagu garaaco,wuxuuna ku eedeeyey laamaha amniga ee dowladda iney ka gaabiyeen hawshii loo igmaday,Salaad ayaa dalbaday in hay’adaha amniga lagula xisaabtamo xilka loo dhiibay ee ay kasoo bixi waayeen sida uu sheegay.
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa madaxda dowladda ku dhaliilay iney xoogga saareen Siyaasadda arimaha dibadda isla markaane ay iska iloobeen wax ka qabashada arimaha gudaha oo uu ku tilmaamay iney tahay midd mudan wax ka qabshada ugu horeysa.
Mar uu ka hadlayey qaabka ay hawlgallada ciidamadu magaalada uga sameeyaan ayaa waxaa uu tilmaamay in sida ay wax u wadaan laamaha amnigu aysan ahayn sida uu ku sugmi karo amniga caasimadda,wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in ciidamadu ay maalinba degmo gaara ay ka sameeyaan hawlgal,Salaad ayaa sheegay in qofka dambiilaha ah ee la raadinayo uu fursad u helayo inuu ka baxsado degmada markaa hawlgalku ka socdo una tallaabayo degma kale.
Wuxuuna daboolka ka qaaday in sida kaliya ee uu ku sugmi karo amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu yahay in degmo walba ay hogaamiso hawlgalka laga samaynayo si aan shacabka argagax loogu ridin,isla markaane ay hawlgalladu si joogto ah uga socdaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir si danbiilayaashu aysan u helin meel ay gabbaad ka dhigtaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho