Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa iska fogeysay eedaha maalmihii danbe loo jeedinayey ee ku saabsanaa iney wax ka bedeshay dowstuurkii lagu heshiiyey eedahaas oo intooda badan ka yimi masuuliyiinta maamulka Puntland,afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladdu ay bedeshay dastuurkii dalka isla markaane ay soo samaysay dastuur been abuur ah.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in dowladdu aysan wax fara galin ah ku samayn dastuurka,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in wax ka bedelka iyo wax ku daridda dastuurku ay u taallo mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka loo igmaday inuu gudiyo tifatira tira baarlamaanka uu u saaro si ugu danbeyntii loo meelmariyo afti dadweyne.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Inj. Yariisow ayaa sheegay iney jiraan waxyaabo ay dastuurka ay ka bedeleen gudi ay saareen Saxiixayaashii kadib markii ay ansixiyeen gudigii loo xilsaaray ansixinta dastuurka ,wuxuuna tilmaamay in waxyaabahaas ay ka mid ahaayeen in gudi ay magacaabeen saxiixayaashii Hab raaca nabadda Soomaaliya uu go’aamiyey in dastuurka lagu daro in caasimadda dalka Soomaaliya ay tahay magaalada Muqdisho oo aan markii hore si cad dastuurka loogu qeexin.
Dowlada ayaa waxaa lagu eedeeyey iney gabi ahaanba bedeshay dastuurkii lagu wada heshiiyey,isla markaane ay samaysay dastuur been abuur ah sida ay marar badan ku doodeen masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horeeyo madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Faroole.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho