Ceelbarde(RBC Radio) Alshabaab ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool,ciidamo ka tirsan alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheysan ku qaaday fariisimo ay degmada Ceelbarde ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dalka Ethiopia ee ku sugan magaaladaas.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in dagaalka oo dhacay xilli ay dadku ku guda jireen hurdada uu qalqal badan ku abuuray bulshada ku dhaqan magaaladaas,dagaalka ayaan wax kahsaaro ah u geysan dadka shacabka ah ee ku dhaqan demada Ceelbarde,mana cadda khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Gudoomiye degmada Ceelbarde Caweer Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in alshabaab ay weerar kusoo qaadeen degmadaas,wuxuuna sheegay iney fashiliyeen isku day ay alshabaab ku doonayeen iney gudaha ugu soo galaan degmada.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay iney ka hortageen koox yar oo uu sheegay iney si dhuumaalaysi ah u doonayeen iney gudaha ugu soo galaan magaalada Ceelbarde isla markaane ay dhibaato ka geystaan,wuxuuna xusay inuusan jirin wax khasaaro ah oo dhankooda kasoo gaaray dagaalka.
Wuxuuna tilmaamay in kooxdii ka tirsaneed alshabaab ee dagaalka soo qaaday ay kala eryeen sida uu tilmaamay,xaaladda Ceelbarde ayuu sheegay iney xiligan tahay mid dagan oo amnigeeda ay gacanta ku hayaan ciidanka qaranka Soomaaliyeed.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho