War ay shaaca ka qadey shirkadda duullimaadka ee Air Uganda ayaa waxaa ay ku sheegtey inay bilaabeyso duullimaad toos ah oo ay ku tageyso magaalada Muqdisho.
8-bisha July ayaa sheegtey shirkadu inay bilaabeyso dulimadkeeda ugu horeyey ee ay ku imanayso magaaladda Muqdisho ee caasumada dalka.
Shirkadu waxay sheegtey in duullimaadyadeeda ay noqon doonan in toddobaadkii saddex jeer ay iman doonto Muqdisho,waxaa taasi haddi ay rumuwdo isbadal ay ka dhalindoonta garoomada diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho iyo Entebbe ee dalka Uganda kuwo safaro melo kale losoo marayo hor kusagi jirey Soomaaliya iyo Uganda.
Uganda waxaa la sheegey inay ganacsatadooda ay si xoowli ah u yimaadan gudaha Soomaaliya iyagoona ganacsato Soomaaliyed ay iyaguna tagi jireen Uganda taaso hadda ka dhigeysa inay si fudud ay ku tagan labada dalba.
Sidoo kale gudaha Soomaaliya waxaa kusugan ciidamo ka socda Uganda kuwaaso qeyb ka ah howlgalka AMISOM,halka Uganda ay tahay dalkii ugu horreeyay ee ciidamada ugu yabooha howlgalka (AMISOM).
Muqdisho waxaa horey duulimaad caalami ah ugu wadey shirkada diyaaradaha ee Turkish Airlines taaso horraanti bishii March ee sanadkii hore ee 2012 ay Muqdisho 22-sano kadib duullimadkedi bilowdey.
RBC Radio