Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhacdo Naxdin leh: wiil Soomaaliyeed oo isku dilay dalka Talyaaniga

$
0
0

 

Foloronsa(RBC Radio) Wararka ka imaanaya wadanka Talyaaniga ayaa sheegay in wiil Soomaaliyeed uu isku dilay dalkaas,wiilka ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray Dabaq dhowr biyaano ahaa oo uu saarnaa,booliska dalka Talyaaniga oo goobta gaaray ayaa ku waramay in wiilka isdilay uu markiiba uu goobta ku geeriyooday.

Sababta isdilka wiilkan ayaa loo aanaynayaa iney ka danbeysay  kadib markii uu ku hungoobay isku dayo dhowr ah oo uu ku doonayey inuu dowladda dalka Talyaaniga kaga helo Magangalyo,waxaana la tilmaamay in dhowr jeer loo diiday in lasiiyo aqoonsi  magangaloyo uu uu dalka ku joogo,waxaana la tilmaamay inuu xiligan ku sugnaa goob sharciyada lagu sugo oo ku taalla magaalada Floronsa.

Wiilka isdilay oo aysan wali inoo suurta galin inaan helno magaciisa saxda ah ayaa waxa ay da’diisu ahayd 20 jir,waxaana la tilmaamay in sanadkii 2011 uu dalka Talyaaniga kusoo galay Doonni uu si tahriib ahaan ah uga soo raacay xeebaha dalka Liibiya Jariisaradda Laambaduusa ee dalkaasi Talyaaniga.

Wiilka isdilay ayaa la tilmaamay inuu ku furmay buuq dhanka maskaxda ah taasoo ugu danbayn keentay inuu naftiisa gooyo,dhacdooyinka nuucan ah ayaan ahayn kuwo looga bartay bulshada Soomaaliyeed ,Dorraad ayey ahayd markii nin Soomaaliyeed uu dilay 3 ruux kadibne uu is dilay gudaha Maraykanka,falalka nuucan ah ayaa ah kuwo ku cusub maqalka dhegaha bulshada Soomaaliyeed,waxaana hubaal ah in arintani ay daiil u tahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay dhalangadoomeen,kuna dhiiradeen iney ku kacaan falal uusan rabbi  raali ka ahayn sida inaad naftaada goyso.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles