Wanla-weyne(RBC Radio) Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in bartamaha magaaladaas uu ka dhacay Qarax miino oo dhaliyey khasaaro fara badan,Qaraxa oo dhacay goordhawayd ayaa waxaa lala eegtay goob Maqaayad ah oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo dad badan oo shacab ah.
Wararka horudhaca ah ayaa waxaa ay ku waramayaan iney Qaraxa ku geeriyoodeen ku dhawaad 10 ruux oo u badan dad rayid ah,waxaana lasoo sheegayaa in dad kaloo fara badan ay Qaraxaasi ku dhaawacmeen kuwaas oo loola cararay xarumaha caafimaadka ee degmada Wanla-weyne,Qaraxa ayaa la tilmaamay inuu ahaa Miino goobta lagu sii aasay.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka degmada Wanla-weyne ee dhanka amniga Nuur Axmed oo sheegay inuu ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tilmaamay inuu indhihiisa ku arkay dad badan oo Qaraxa ku dhintay,wuxuuna daboolka ka qaaday in Qaraxa isaga la doonayey in lagu khaarajiyo balse uu ka badbaaday oo aysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaaray Qaraxa.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Wanla-weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay iney dib kasoo gudbin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxan,wuxuuna ku eedeeyey masuuliyadda Qaraxa iney ka danbeeyeen xoogaga alshabaab.
Alshabaab oo lagu eedeeyey masuuliyadda weerarkan ayaan ilaa hadda wax war ah kasoo saarin,wixii kusoo kodha wararka Qaraxa iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay kala soco Warbaahinta Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho