Marka(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa lagu eedeeyey inuu masuul ka ahaa dagaalo shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaas,gudoomiyaha degmada Marka ee xarunta Shabeelaha hoose Maxamed Cismaan Yariisow oo warbaahinta uga warbixinayey dagaal ka dhacay inta u dhaxaysa deegaanada Lambar 50 iyo Ceelwareegow ee gobolkaas ayaa eedda dagaalkaas dusha kaga tuuray gudoomiyaha shabeelaha hoose C/qaadir Siidii.
Gudoomiyaha Marka ayaa tilmaamay inuu dagaalku dhexmaray ciidanka booliska nabadsugidda iyo milateriga dowladda Soomaaliya oo doonayey iney jidka ka wareejiyaan kooxo uu ku sheegay iney yihiin burcad ku labisan dirayska ciidanka dowladda Soomaliya oo bulshada ku hayey dil,dhac iyo Kufsi.
wuxuuna tilmaamay in markii ciidanku ay isku dayeen in dhibaatada raggaas ay shacabka ka dulqaadaan ay dagaal kala horyimaadeen ciidankii dowladda,wuxuuna tibaaxay in raggaas shacabka dhibaatada ku haya uu soo abaabulay gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Siidii.
Maxamed Cismaan Yariisow gudoomiyaha magaalada Marka ayaa uga digay gudoomiyaha maamulka gobolkaas inuu sii wado dhibaatada uu sheegay inuu ku hayo bulshada gobolka Shabeelaha hoose sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iney soo fara galiso ayna wax ka qabato dhibka lagu hayo shacabka deegaanada hoos yimaadda degmada Marka.
Gudoomiye Yariisow ayaa ku goodiyey in hadii aysan dowladdu wax ka qaban dhibaatada shacabkaa lagu hayo aysan gacmaha ka laaban doonin oo bulshada deegaanadaas ay iska celin doonaan dadka dhibaataynaya, Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaan ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin eedaha loo soo jeediyey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho