Jowhar(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in saaka halkaa lagu toogtay 4 ruux oo rayid ahaa,wararka aynu heleyno ayaa tilmaamaya in dadka la dilay ay ahaayeen Xoolo dhaqato kusoo jeedan magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaas.
Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney jidka u galeen kadibne ay rasaas ku fureen,waxaana inta la xaqiijiyey goobta ku gooriyootay 4 ruux halka ay 3 kalane ku dhaawacmeen kuwaas oo la gaarsiiyey Isbitaalka magaalada Jowhar oo xaaladooda lagu dabiibayo.
Arintan ayaa lala xiriirinayaa xiisado colaadeed iyo aanooyin maalmihii danbe ka taagnaa magaalada Jowhar iyo deegaanada hoos yimaadda,xaaladadda Jowhar ayaa maalmihii danbe qasneed kadib markii koox hubeysan ay xaafadda horseed ku toogteen ruux rayid ahaa taasoo kicisay xiisad isla markaane keentay in masuuliyiinta maamulka gobolkaas oo goobta gaaray ay ku guuuleysan waayeen iney xiisadda dajiyaan arintaas oo ugu danbeyntii Keenya in xaafadda Horseed lagu soo rogo Bandow.
Maamulka gobolka Shabeelaha dhee ayaa xiisadaha colaadeed ee ka dhex taagan beelaha walaalaha ah ee wada daga Bariga gobolka Shabeelaha dhexe waxa uu u saaray gudi loogu tala galay xalinta khilaafaadka beelaha gobolkaas,masuuliyiinta gudigan ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan iney ku qabooyiyaan xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolkaas.
Dagaalka labadn beelood ayaa in muddo ah soo jiitamayey,waxaana hore u dhexmaray dilal tuugeysi ah la xiriira aanooyin ,balse waxay noqoneysaa markii ugu horeysay oo 4 ruux hal goob lagu wada dilo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho