Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo saaka hawlgallo ka wada Xaafado ka tirsan Muqdisho

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad  ilaalinta ururka midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka hawlgallo ballaaran oo dad bada lagu soo qabqabtay ka wada xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,Ciidamada isgarabsanaya ayaa saaka Salaaddii Subax isku gadaamay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa fariisimo ka dhigtay dhammaan wadooyinka soo gala degmadaas,ciidamada ayaa gudaha u galay xaafadaha waxayna guri guri u baarayaan  dhammaan guryaha ku yaalla xaafadahaas,ciidamada  hawlgalka wada ayaa qabqabanaya ragga gaar ahaan dhalinyarada oo ay iskugu geynayaan goobo ka mid ah degmadaas.

Hawlgalka Baaxaddiisa ayaa ka socda Xaafadaha Soos iyo Suuqa xoolaha ee degmada Hiliwaa waxaana gabi ahaanba xayiran isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga xaafadaha uu hawlgalku ka socdo,dumarka iyo Ardayda ayaa saaka la arkayaa iyaga oo lugaynaya kadib markii la xanibay gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ahba.

Ciidamada ayaa wali ku jira hawlgalka,iyagoona lagu arkayo xaafadaha dhexdooda,hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo xiriir ah oo ay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad ilaalinta AMISOM,kuwaas oo masuuliyiinta dowladdu ay ku micneeyeen xaqiijinta amniga xarunta dalka ee Muqdisho.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles