Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Maamulka Jubbaland oo soo dhaweeyey warbixntiI QM uga hadashey xaaladda Kismaayo

$
0
0
Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar RBC

Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar RBC

Kismaayo[RBC Radio]Maamulka Jubbaland ayaa ka hadley warbixin kasoo baxdey Qaramada Midoobay taaso loga hadlayey xaaladda magaaladda Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Afhayeenka maamulka Jubbaland Cabdinaasir Seeraar ayaa sheegey in ay si weyn usoo dhaweynayaan warbixinta ay soo sartey QM ee logaga hadley arrimaha Kismaayo.

 

Seeraar ayaa sidoo kale hadalkisa kusoo qadey in dhinacooda ay soo dhaweeynayaan mowqifka QM ee kaga aadan Jubbooyinka isagoona intaa ku darey in maamulkoda uu marwalba u taagan yahay nabad kusoo dabalida gobollada Jubbaland ayna marwalbaisku howli doonan sidii ay u xalin lahaayen iyagoo dhanka nabadda ka maraya xaaladd kasta oo gobolkaasi kasoo cusboonaata.

 

“Waxaan soo dhaweeynayna dhinacena oo an taageersanahay hadalkii kasoo yerey Qaramada Midoobay ee ay kusoo qaden xaaladda Kismaayo,Kismaayo waa meel xiligaan amni ah xaaladda kajirtana waa mid nabdoon anaguna marwalba waxan u taaganahay sidii an uga hortagi laheen waxkasto shacabkena dhib u keeni karaa”waxaa intaa hadalkisa kusoo qadey afhayeenka maamulka Jubbaland.

 

Dhinaca kale Cabdinaasir Seeraar ayaa markale ku celiyey in maamulkoda usan ka qeyb gali dooni shirka ay dowladda faderaalka Soomaaliya ku baaqdey inay ku qaban doonto magaaladda Muqdisho.

 

“Shirka Muqdisho la sheegey in lugu qaban doono anagu mowqifkena horey ayaan u sheegney kamana qeyb gali doono tan iyo inta ay dowladdu aqoon saneysa maamulka Jubbaland”Seeraar ayaa inta hadalkisa didmada shirka Muqdisho ku yiri.

 

Hadalkaan ayaa yimid kadib marki QM ay soo sartey warbixin ay uga hadleyso arrimaha iyo xaaladda magaaladda Kismaayo kadib marki dhaawan ay dagaalo ka dhacen xisad dhanka siyaasadana ay ka bilaamatey,inkasto xiligaan dowladda iyo Jubbaland ay soo dhaweyey warbixintaasi.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20143

Trending Articles