London(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ayaa shaaca ka qaaday in shirka wadamada G8-ka uu ahmiyad gaara u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in shirkani uu Soomaalida u yahay guul wax ku ool ah ,”Shirka G8-ka sanadkan ahmiyad gaara ayuu inoo leeyahay,guul ayey inoo tahay in shir sidaas u weyn nalagu marti qaado” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray”Ajandaha iyo hadafka ummadda Soomaaliyeed ayaan shirka ka u bandhigi doonaa,waxayna arintani calaamad u tahay sida uu caalamku xiligan ugu heelan yahay taageeridda Soomaaliya”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iney ka waantoobaan,khilaafaadka,dacaayadaha,xanta iyo isxag-xagashada dhexdooda ah ,”markaan is ixtiraamno iskuna tiirsanaano ayey adduunyadu wax inala qaban kartaa,waxaan ku boorinayaan shacabka Soomaaliyeed iney meel iska dhigaan dacaayadaha,xanta iyo isxag-xagashada dhexdeenna ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa ku celceliyey ahmiyadda ay leedahay midnimada umadda Soomaaliyeed,wuxuuna ka dalbaday bulshada Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan fursadda qaaliga ah ee hortaalla.
” aan hore u soconno fursad ayaan haysanaa aan ka faa’iideysanno,aan ka wada shaqayno sidii aan adduunka wax ula qabsan lahayn” sidaasi waxaa yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Waa markii ugu horeysay ee madaxweyne Soomaaliyeed lagu casuumo shirka wadamada G8-ka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho