SHARCI L………………:
Dhismaha iyo hab-raaca Guddiga Dib-u- eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka.
Qod. 1aad
Fasiraad
Ereyada hoos ku qoran, waxaa sharcigan dhexdiisa, loola jeedaa mid walba fasiraada ku hor qoran:
1. Dastuurka: Datuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. Guddiga : Guddiga Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka
3. Guddiga Baarlamaanka: Guddiga la socodka & kormeerka
4. Jamhuuriyadda: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
5. Madaxwaynaha: Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
6. Turxaan-bixin: saxid, dib-u-eegid
7. Wasiirka u xilsaaran:Wasiirka Garsoorka, Arrimaha Diinta, Dastuurka,
Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.
Qod. 2aad
Ujeeddada sharciga
Waxaa sharcigaan lagu dhisayaa Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo loo xilsaarayo hawlaha dhammaystirka Dastuurka sida ku xusan Qod. 134aad.
Qod. 3aad
Mabaadi’da Guud
Guddigani wuxuu tixgelin gaar ah siinayaa, inta uu ku guda-jiro fulinta xilkiisa, mabaadi’da guud ee hoos ku xusan:
1. Ilaha Shareecada iyo Maqaasida Islaamka;
2. Midnimada Qaranka Soomaaliya;
3. Afkaarta Culimmada Islaamka;
4. Mabaadi’da iyo afkaarta Dimoqraadiyadda;
5. Talooyinka uu soo jeediyay Golihii Ansixinta Dastuurka;
6. Dhaqanka Soomaalida ee suuban; iyo
7. Hannaanka federaalka ah.
Qod. 4aad
Tirada Xubnaha Guddiga
1. Tirada xubnaha Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurku, waxay noqonaysaa 5(Shan), sida ku xusan Qod. 134aad, faq.2aad.
2. Dawlad-goboleedyada federaalku ka kooban yahay waxay mid waliba soo magacaabanaysaa hal ergay oo ka mid noqda Guddiga (Qod.134aad, faq.2aad).
Qod. 5aad
Xarunta Guddiga
Xarunta Guddigu waa Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Qod. 6aad
Qaab-dhismeedka Guddiga
Guddigu wuxuu yeelanayaa qaab-dhismeedka hoos ku qoran:
1. Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo Xubno;
2. Agaasin Maamul iyo Waaxyo ku haboon hadba hawsha guddiga hortaala;
3. Shaqaale dabooli kara baahida Guddiga si uu u guto xilkiisa; iyo
4. Guddigu wuxuu adeegsan karaa, haddii loo baahdo, qubaro/xeel-dheereyaal ah oo gacan ka siisa gudashada xilkiisa.
Qod. 7aad
Go’aan-gaarsita Guddiga
Fadhiyada Guddigu waxay ku ansaxayaan 2/3 xubnaha guud ee Guddiga, waxayna go’aankoodu ku ansaxayaa cod hal-dheeri ah.
Qod. 8aad
Xilka Guddoomiyaha Guddiga
1. Wuxuu mas’uul ka yahay habsami-u-socodka qorshe-hawleedka Guddiga;
2. Wuxuu isugu yeeraa, shir-guddoomiyaana kulamada Guddiga;
3. Wuxuu mas’uul ka yahay xiriirka iyo wada-shaqaynta Guddiga iyo Hay’adaha kale ee Dawladda; iyo
4. Wixii kale oo uu sharcigu u xilsaaro.
Qod. 9aad
Xilka Guddoomiye Ku-xigeenka
1. Wuxuu buuxiyaa kaalinta Guddoomiyaha marka uu maqan yahay.
2. Wuxuu qabtaa hawlaha hadba uu Guddoomiyuhu u wakiisho.
Qod. 10aad
Qaabka Magacaabidda Guddiga
Xubnaha Guddiga Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, waxaa magacaabidooda soo jeedinaya Golaha Wasiiradda, waxaa ansixinaya Golaha Shacabka, waxaana dekreeto ku soo saaraya Madaxweynaha Jamhuuriyadda(sida ku xusan Qodobada 112 aad & 134aad) ee Dastuurka
Qod. 11aad
Shuruudaha Xunaha Guddiga
Xubin kasta oo loo magacaabayoha Guddiga waa in ay buuxiso shuruudaha soo socda (Qod. 134aad) ee Dastuurka:
(a) Leh anshax iyo sumcad wanaagsan;
(b) Ka haysto Shahaado sharci jaamacad la aqoonsan yahay ;
(c) Leh karti heer sare ah ee dhinaca maamulka ama sharciga.;
(d) In uu u leeyahay aqoon iyo khibrad ugu yaraan toban Sano arrimo la
xiriira mid ka mid ah kuwa soo socda:
1. Sharciga;
2. Maamulka dadweynaha;
3. Dhaqaalaha;
4. Jinsiga; iyo
5. Xuquuqda Aadanaha .
(e) In uu hawl wanaagsan ka soo qabtay shaqada majaalka uu ku
Takhasusay; iyo
(f) In uu leeyahay waaya-aragnimo la xiiriita sharci qorista.
Qod. 12aad
Awoodda Guddiga
Awooddaha Guddigu waxay noqonayaan sida hoos ku qoran:
1. Dib-u-eegid iyo talo-bixin wax-ka-bedelka Dastuurka;
2. Diyaarinta warbixin daraasadeed oo lagu lifaaqo wax ka bedelka la soo jeediyey ama hindise-sharciyeed qabyo ah iyaga oo raacaya talooyinka Guddiga La-socodka & Kormeerka sida ku xusan Qod. 133aad iyo 134aad ee Dastuurka.
3. Warbixin ka siiyo hawl-qabadkiisa saddexdii biloodba mar Guddiga La-socodka ama mar kasta oo uu ka codsado warbixin Guddiga sare ku xusan;
4. Kala tashado Maxkamadda Dastuurka dastuurinnimada soo jeedintiisa; iyo
5. Wixii kale oo uu Dastuurku u xilsaaro.
Qod. 13aad
Waayidda Xubinnimada Guddiga
Xubinimada Guddiga waxaa lagu waayi karaa haddii ay dhacdo mid kamid ah arrimaha soo socda:
1. Istiqaalo qoraal ah;
2. Geeri;
3. Qaab waafaqsan kii hore loogu magacaabay, loogala noqdo xubinnimada;
4. Maxkamadi go’aan kama dambays ah ka gaarto dembi uu galay ama go’aan anshax- marineed oo kama dambays ah laga gaaro; ama
5. Sababa caafimaad awgood uu xilkiisa u gudan waayo.
Qod. 14aad
Gacan-siinta Guddiga
Dhamaan Hay’adaha Dawladda ee hawsha Guddigani khusayso waa in ay gacan ku siiyaan gudashada xilkiisa si waafaqsan Dastuurka.
Qod. 15aad
Hagidda iyo Kormeerka
Wasiirka maamul ahaa u xilsaaran hawlaha Guddigan ayaa leh ku-hagidda siyaasadda dawladda iyo kormeerka inuu xilkiisa u fulinayo si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka iyo hubinta xiriirkiisa wada shaqayn ee uu la leeyahay Guddiga Baarlamaanka ee u xilsaaran la- socodka wax-ka-beddelka dastuurka.
Qod. 16aad
Miisaaniyadda Guddiga
Xukuumadda JFS waxay u qoondaysaa Guddigan Miisaaniyad ku filan in uu xilkiisa si habsami ah u guto.
Qod. 17aad
Xasaanadda Guddiga
Xubnaha Guddigu waxay xuquuqda iyo xasaanadda kala mid noqonayaan Guddiyada dastuuriga ah ee kale.
Qod. 18aad
Qorshe-Hawleedka Guddiga
Dhammaadka bisha ugu horraysa hawl-galkiisa, waa in uu Guddigu ku soo diyaariyo qorshe-hawleedkiisa oo dhammeytiran una gudbiyo Wasiirka Wasaaradda u xilsaaran iyo Guddiga Baarlamaanka ee ay shaqadiisu khusayso.
Qod. 19ad
Dhaqan-galka Sharcigan
Waxaa sharcigani dhaqan-gelayaa, marka Golaha Baarlamaanku ansaxiyo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna Dekreeto ku soo saaro, isla markaana ku soo baxo Faafinta Ramiga ah ee Dawladda.
Qod. 20aad
Baabi’in
Waxaa la baabi’inayaa dhammaan sharciyada ka-soo-horjeeda ama aan la socon karin sharcigan marka uu dhaqan-gal noqdo.