Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanku uu ka qaatay arimaha Jubooyinka

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay ka qaateen arimaha gobolada Jubooyinka, golaha ammaanka oo kadib warbixin ku saabsan Kismaayo oo uu ka dhegeystay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM mudane Taye-Brooke Zerihoun. Waxa ay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin xasaradaha ka taagan Kismaayo.

Golaha ayaa sidoo kale taageeray dadaalka dowladdu ay ku dooneyso iney ku xasiliso Jubooyinka iyo shirka dib u heshiisiinta ay ku baaqday,go’aanka golaha ammaanka ayaa waxaa ku jiray digniin loo diray cid walba oo caqabad ku noqota nabadaynta Jubooyinka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa lagu yiri “Waxaan si weyn u soo dhaweynaynaa warka ka soo baxay QM ee ay ku muujiyeen taageeradooda iyo sida ay u garab-taagan yihiin hawsha dib-u heshiisiinta iyo federaalaynta ee ay dawladdu hormuudka ka tahay,” .

Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid wasiirka Koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku ammaanay go’aanka cad ee ay ka qaadatay arimaha gobolada Jubooyinka.

“Waxaan Golaha Amaanka uga mahad naqayaa mawqifka cad ee ay nagala qaateen kuwa caqabada ku ah dib-u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka, gaar ahaan masiirka gobolada Jubbooyinka,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo intaas ku daray in xalka Jubooyinka iyo dalka intiisa kalaba uusan ku jirin qori caaradiis ee xalku ku jiro wada xaajood iyo in la helo isku tanaasul bulshada dhexdeeda ah.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles