Cadaado(RBC Radio) Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Maxamed Cali Kediye oo shalay baarlamaanka maamulkaas ay ku doorteen cod aqlabiyad ah ayaa kadib doorshadiisa hadal uu halkaa ka jeediyey kaga dhawaaqay inuu gobol nabadeed u dhigayo bulshada ku wada dhaqan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
Madaxweyne C/llaahi Maxamed Cali ayaa sheegay inuu gogoshaas u fidinayo qaybaha kala duwan ee ku wada nool gobolada dhexe,wuxuuna daboolka ka qaaday inuu isaga dhabarka u ridan doono wax walba oo ku baxaya gogoshaasi nabadeed.
‘’Anigoo ah hogaamiyaha cusub waxaan balan qaadayaa inaan horseed u noqdo gogoshii ugu horeysay ee loo dhigo ummadda degta gobolada dhexe, waxaana ku dhawaaqayaa in gogoshaasi wixii maanta ka dambeysa ay diyaar u tahay wixii ku baxayana anaa dhabarka u ridanaya’’sidaasi waxaa yiri madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed Kediye.
Madaxweyaha Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in waxa ugu horeeyey ee ay shacabka gobolada dhexe u baahan yihiin ay tahay iney helaan nabadgalyo iyo dib u heshiisiin guud oo la dhexdhigo bulshada goboladaas oo uu sheegay iney kala gaareen dhibaatooyin fara badan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho