Hawlaha iyo xilalka Guddiga Doorashooyinka
Guddiga doorashooyinku waa guddi dastuuri ah oo u xil saran qabashada iyo maamulka doorashooyinka, waana guddi ku meel gaar ah. Guddigu wuxu ka koobanyahay 9 xubnood oo 5na madaxweynuhu soo doortay, 4na golaha sharci dajintu doortay.
Guddiga waxaa xilkoodu dhamaanaya maalinta ay ku dhawaqaan natiijada golayaasha degaanka.
Intaas ka dib waxa la magacaabaya guddi rasmi ah, oo samayn doonta cidda maamulaysa doorashooyinka barlamaanka.
Guddigu waa madaxbanaanyahay, wuxuuna doorashada u maamulayaa si siman oo cadaalad ah.
Guddiga ku meelgaarka ahi wuxu leeyahay awoodaha iyo xilalka ay ka mid yihiin:
1. Qabashada maalinta doorashada
2. Hubinta habsami u socodka doorashada
3. Diiwaan gelinta ururada siyaasadda iyo hubinta musharaxiinta
4. Tababarida shaqaalaha doorashooyinka
5. Caddaynta qaabka codaynta
6. Hubinta warqadaha cod-bixinta
7. Tirinta iyo hubinta codadka
8. Ku dhawaaqida natiijada doorashooyinka
Doorashada golaha deeganada waxa la qabanayaa 15 bisha July, 2013. Qofku mar keliya buu codayn karaa. Qof kale uma codayn karo xitaa haddu yahay qoyaskaaga.
Qofka wax dooranayaa waa inu yahy 18 jir maalinta doorashada ama ka weynyahay, reer Puntland yahay, uusan xabsi ku jirin oo miyir qabaa, kuna noolyahay degmada u codka ka dhiibanayo.
Fariintan waxaa idiin soo gudbinat Guddiga ku meelgaarka ah ee Doorashooyinka Puntland..