New York(RBC Radio) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlat arimaha gobolada Jubooyinka gaar ahaan dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada ku lugta leh xasaradaha ka taagan Kismaayo iney xasiloonida dhowraan.
Golaha ammaanka ayaa warkan soo saaray kadib markii ay warbixin ku saabsan gobolada Jubooyinka ee dalka Soomaaliya ka dhegeeysteen Tayé-Brooke Zerihoun oo ah kaaliyaha xog hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban-ki Moon,golaha ammaanka ayaa ugu yeeray dhammaan qaybaha Jubooyinka iney ilaaliyaan nabadda iyo degenaanta isla markaane ay ka fogaadaan wax kasta oo colaad dhalin kara.
Golaha ammaanka ayaa ku sheegay warka kasoo baxay in goluhu uu ku boorinayo dhinacayda isku haya magaalada Kismaayo iney la shaqeeyaan dowladda federaalka Soomaaliya si xal waara loogu helo muranka siyaasadeed ee Jubooyinka ee markii danbe gaaay gacan ka hadalka.
Golaha ammaanka ayaa taageeray dowrka dowladda Soomaaliya,waxayna tilmaameen iney ku raacsan yihiin shirka dib u heshiisiineed ee ay dowladdu ku qabanayso magaalada Muqdisho kaasoo lagu xalinayo khilaafaadka ka dhexjira qaybaha ku wada sugan jubooyinka iyada oo la kaashanaysa urur goboleedka IGAD iyo xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM.
Golaha ayaa hoosta ka xariiqay iney tallaabo adag ka qaadin doonaan cid walba oo ka hor timaadda dib u heshiisiinta iyo nabadaynta Soomaaliya sida ay ku sheegeen warsaxaafadeedka kasoo baxay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho