St. Louis (RBC Radio) Wararka ka imaanaya magaalada St. Louis ee gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa ku waramaya in magaaladaas uu fal toogasho ah ka geystay ruux asal ahaan kasoo jeeda dalka Soomaaliya,Ninkan Soomaaliga ah ayaa toogtay 3 ruux oo kale kuwaas oo 2 kamid ah ay ahaayeen Soomaali halka midka kalane uu ahaa Ajinabi,ka hor inta uusan isne isdilin.
Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu muran dhexmaray dadka uu laayey,saraakiisha booliska gobolka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa u sheegay warbaahinta NBC News in falkan uu ka dhacay magaalada St. Louis maalinimadii Khamiista ee shalay.
Booliska gobolka Missouri ayaa sheegay in ay heleen meydka ninka dilka geystay oo lagu magacaabi jiray Axmed Dirir oo da’diisu ay ahayd 59 jir, isla markaana agaasime ka ahaa xarun ay howsheedu tahay daryeelka caafimaadka,waxaana la tilmaamay inuu toogashada u isticmaalay qori nuuca darandooriga u dhaca ah.
Sarkaal lagu magacaabo Michael Sack ayaa wariyeyaasha u sheegay in kaamerada ammaanka ee goobta ku xirneed ay soo bandhigtay muran dhex maraya ninka hubeysan iyo 3-da ruux ee kale ka hor inta uusan rasaasta ku furin,wuxuuna intaa raaciyey in markii uu ninkaasi dilka u geystay 3-da ruux uu isne goobta isku toogtay.
3-da ruux ee ninkani uu dilka u geystay ayaa kala ahaa Khadra Muuse oo 44 jir ahayd, Saciid Cabdalla oo 29 jir ahaa oo labaduba Soomaali ah iyo haweeney la oran jiray Bernice Solomon-Redd oo 54 Jir ahayd.
RBC Radio