Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19702

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo Muqdisho ka sameeyey hawlgal ay dad badan kusoo qabqabteen

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio)  Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa saaka ilaa xiligan hawlgallo ballaaran ka wada xaafadaha degmooyinka Yaaqshid iyo hiliwaa oo ka tirsan gobolka Banaadir,ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa hawlgalka ku wehlinaya booliska AMISOM.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa guri guri u galaya xaafadaha ay ka kooban yihiin degmooyinkaas,hawlgalka oo bilowday xalay galinkii danbe ayaa lasoo sheegayaa in ciidamadu ay ku qabqabteen boqolaal ruux oo u badnaa dhalinyaro kuwaas oo ay ciidamadu kala soo bexeen guryahooda.

Ciidanka hawlgalka wada ayaa xiray dhammaan wadooyinka mara degmooyinka Yaaqshid iyo Hiliwaa intii ay hawlgalka ku guda jireen,dadka ku dhaqan xaafadaha ay baaritaanadu ka socdaan ayaa sheegaya in ciidanku ay gudaha u galayaan dhammaan guryaya,iyagoona gacanta kusoo dhigaya dadka dhalinyarada ah kuwaas oo ay iskugu geeyeen  barxado waaweyn oo ku yaalla degmooyinkaas,ciidanka ayaa markii danbe dib u sii daayey badi dadkii ay soo qabqabten iyagoona xabsiga u taxaabay tiro dad ah oo ay ku tuhmeen iny ka tirsan yihiin alshabaab.

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka nabad ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa booliska ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya maalmihii danbe si joogto ah uga waday hawlgallo ay ujeekooda ku sheegeen in lagu baadi doonayo shakhsiyaadka alshabaab ka tirsan ee ku dhuumaalaysanaya xaafadaha caasimadda Muqdisho.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19702

Trending Articles