Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxda ugu saraysa dowladda Soomaaliya oo qaatay tallaalka ka hortagga cudurka Dabaysha

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxda ugu saraysa dowladda Soomaaliya ayaa maanta laga tallaalay cudurka dabaysha munaasabad ay ka wada qaybgaleen madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shiirdoon Saaic iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa masuuliyiita dowladdu ay ku qaateen dhibcaha tallaalka ka hortagga cudurka dabaysha.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xarigga looga jaray tallaalka ka hortagga cudurka Dabaysha ayaa sheegay in madaxda dowladda ay ka go’an tahay ka hortagga iyo dabar goynta cudurka Dabaysha oo la sheegay in dalkeenna Soomaaliya laga helay Kiisas cudurka Dabaysha ee ku dhaca dadka waaweyn.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay iney jiraan dad Soomaaliyeed oo aaminsan in tallaalku uu yahay mid fasahaad iyo dhibaato dadka u horseedaya,wuxuuna ku tilmaamay arintaasi mid aan sax ahayn,wuxuuna tallaalka ku tilmaamay inuu yahay gurmad ay Soomaaliya ka helay beesha caalamka.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid  oo isne madasha ka hadlay ayaa sheegay iney habboon tahay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dabar goynta cudurkaas,wuxuuna ka dhawaajiyey in shacabku ay ka tusaala qaataan saddexda masuul ee dowladda oo tallaalka qaatay si looga badbaado dhibaatada cudurka Dabaysha.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku baaqay in bulshada Soomaaliyeed ay u wada istaagto sidii loo  dabargoyn lahaa  cudurka  Dabaysha,wuxuuna goobta ka sheegay in maalinta barri ah uu amri doono in la wada tallaalo dhammaan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya Maryam Qaasim ayaa sheegtay in dalka laga helay Kiisas la xiriira Cudurka Dabaysha oo ku dhaca dadka waaweyn,waxayna tilmaantay in la qorsheeyey in la tallaalo 4 Milay oo ruux,tallaalka ayey sheegtay inuu soconayo muddo 6 maalmood ad.

Maryam Qaasim ayaa intaa ku dartay in cudurka Dabayshu uusan lahayn daawo balse uu leeyahay ka hortag oo kaliya,waxayna ku nuuxnuuxsatay in cudurku uu waayihii hore ku dhici jiray Carruurta da’doodu ka yartahay 5-ta sano balse dhawaanahan ay soo baxday in dadka waaweyne uu ku dhacayo cudurku.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles