Muqdisho(RBC Radio) Kulan ay maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Iikar,kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaanno gaaraya 145 mudane.
Ajandaha kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa ahaa hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada oo ay maanta markii labaad mudanayaasha ka hor aqrisay wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya c/kariin Xuseen Guuleed oo mudanaayasha baarlamaanka markii labaad u sharaxayey sharciga la dagaalanka argagixisada,wasiirka ayaa sheegay in sharcigani uu yahay mid dalka ku cusub,wuxuuna ku tilmaamay sababta ka danbeysay iney tahay in dalku uu dagaal kula jiro kooxo argagixiso ah sida uu tilmaamay C/kariin Guuleed wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya.
Guuleed ayaa sheegay iney lagama maarmaan tahay in la helo sharci looga hortago dhibaatooyinka ay bulshada ku hayaan kooxa uu ku tilmaamay argagixisada,wuxuuna tibaaxay in hay’adaha amniga dalku ay sharcigan soo diyaariyeen iyaga oo sida uu sheegay gudanaya waajibaadka qaran ee ka saaran ka ilaalinta mawaadiniinta Soomaaliyeed hagardaamada kooxaha argagixisada ah.
Wasiirka ayaa mudanayaasha uga jawaabay su’aalo dhowr ahaa oo ay ka weydiiyeen sharcigan cusub ee la dagaalanka argagixisada,sharciga oo ay u harsan tahay in mar saddexaad baarlamaanka laga hor aqriyo si ay u ansixiyaan ama ay u diidaan,gudoonka baarlamaanka ayaa intaa kadib kulanka soo afmeeray.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho