Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda oo sheegtay in dhaawacyadii dagaalka Kismaayo ay Muqdisho keentay si loogu daweeyo

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaawacyadii ku waxyeeloobay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ay soo gaarsiisay Cisbitaalada ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,wasiirka difaaca dowladda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo warfidiyeenka la hadlay xilli uu kasoo laabtay safar uu ku joogay magaalada Kismaayo ayuu sheegay iney Muqdisho soo gaarsiiyeen qaar ka mid ahaa dhaawacyada dagaalkii Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaaladii maalmihii ina dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo oo ay iskaga hor yimaadeen dhinacyada isku haya siyaasadda Jubooyinka ay dad badani naftooda ku waayeen halka qaar kalane a ku dhaawacmeen,wuxuuna tilmaamay iney Muqdisho soo gaarsiiyeen dhaawacyadii cuslaa kadib markii eheladooda ay sidaas dowladda ka codsadeen.

Wuxuuna tibaaxay in dhaawacyadaas ay magaalada Kismaayo kasoo qaaday diyaarad,wasiirka ayaa  sheegay in xiligan Bukaanada ku waxyeeloobay dagaalka Kismaayo lagu daweynayo Cisbitaalada magaalada Muqdiso ee caasimadda Soomaaliya gaar ahaan Cisbitaalo gaar ah oo ay leeyihiin ciidanka AMISOM.

C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa dhanka kale tibaaxay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku guuleysatay joojinta colaadda Kismaayo,wuxuuna sheegay iney dadaal u galeen sidii ay isku soo hor fariisin lahaayeen dhinayacdii dagaalamay arintaas oo uu sheegay iney meel fiican ka gaareen sida uu sheegay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles