Mombasa(RBC Radio) Maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xukuno xabsi ah ku ridday dhalinyaro Soomaaliyeed oo lagu eedeeyey burcad badeednimo,dacwad oogayaasha maxkamadda ay dhalinyaradan Soomaaliyeed oo gaarayey 9 ruux waxaa lagu eedeeyeen iney Markab ganacsi kasoo afduubteen gacanka cadmeed bishii September ee sanadkii 2010-kii.
Dacwad qaadayaasha Maxkamadda ku taalla magaalada Mombasa ayaa sheegay in raggan markii lasoo qabanayey ay ku hawlanaayeen afduub ay damacsanaayeen iney u geystaan markabka siday shixnadaha ganacsi ka hor inta aysan ka badbaadin ciidanka midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ee hawlgalka Atlanta kuwaas oo markii danbe ku wareejiyey dowladda Kenya.
Waxaana ka mid ahaa danbiyada lagu soo oogay dhalintan Soomaaliyeed in hub lagu soo qabtay,ayna qatar galiyeen nolosha badmaaxayaashii saarnaa Markabka ay weerareen,waxaana ay maxkamaddu ku xukuntay midkiiba 5 sano oo xarig ah.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee xukunka lagu riday ayaa si weyn ugu gacan sayray xukunka ay maxkamaddu ku riday,waxayna ku tilmaameen mid caddaalad darro ah,dhalinyarada Soomaaliyeed ee la xukumay ayaa ku dooday ineysan wax lug ah ku lahayn falalka lagu soo eedeeyey.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho