Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa shalay xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ee Villa-Soomaaliya Qado sharaf sagootin ah ugu sameeyey ergaygii hore ee Qaramada Midobay u qaabilsanaa arimaha Soo,aaliya Augustine Mahiga oo dhawaan lagu bedelay ergay cusub
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Augustine Mahiga ayaa yiri “Maanta Saaxiib ayaan sagootineynaa, Saaxiib nala joogey waqtiyo adag iyo kuwo kaleba. Saaxiib aan ka daalin caawinaada Soomaaliya oo suurtogeliyey in Soomaaliya ay afar sano isbedel muuqda ka sameysey amniga iyo siyaaasadda”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ayaa markale yiri“Mahiga waa saaxiibkeyga iyo sidoo kale saaxiibka Soomaali oo dhan. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan is naqaano, oo marka buugaagta taariikhda la qoro in doorka Dr Mahiga iyo kaalmadiisa Soomaaliya aad loogu riyaaqi doono oo loo sacab tumi doono”
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arimaha Mahiga gudoonsiiyey hadiyado ay ka mid ahaayeen dharka hgidadda iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed iyo Shahaado sharaf
Madaxweynaha ayaa Mahiga ku ammaanay doorkii uu ku lahaa hannaankii geedi socodka nabadda ee Roadmapka, “Dr Mahiga waxuu ahaa qoraagii Roadmap-ka. Inkastoo ay jireen shakiyo in si nabad ah lagu dhameystirayo Roadmap-ka, haddana waxuu ahaa Roadmap-kan oo isu keenay Soomaali oo dhan, oo u horseeday dib u heshiisiin keentay in la helo dowlad rasmi ah” ayuu intaa raaciyey madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Khibradiisa, waayo aragnimadiisa, degennashihiisa, dulqaadkiisa iyo dabeecadiisa wanaagsan iyo xushmaddiisa aad baa loo tabi doonaa,Waxuu Soomaaliya gaarsiiyey waddadii soo kabashada, waxaana u ballanqaadeynaa inaan sii wadeyno shaqadii uu bilaabay inagoo siduu aaminsaa rumeysan. Magaca dalkan wanaagsan ayaa ugu mahadcelinayaa Dr Mahiga” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey madaxweyne Xasab Sheekh.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho