Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay kaga doodeen dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo wadanka Koonfur afrika,kulanka baarlamaanka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo markii hore ajandihiisu ahaa hindise sharciyeed ay soo gudbisay wasaaradda garsoorka xukuumadda Soomaaliya ayaa markii danbe waxaa looga dooday dhibaatooyinka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika.
Markii uu kulanku furmay ayaa hadal jeedinta gudoonka kulanka baarlamaanka waxa uu mudanayaasha kaga dalbaday in dib loo dhigo ajandihii loo ballansanaa in laga doodo,wuxuuna soo jeediyey in doodda mudanayaasha baarlamaanka ee diiradda lagu saaro tacadiyada Soomaalida loogu geysanayo wadanka Koonfur Afrika.
Mudanayaasha baarlamaanka ayaa dood dheer ka yeeshay dhibaatada Soomaalida ku haysata dalkaas,waxayna sheegeen iney tahay wax laga xumaado gabood fallada foosha xun ee ummadda Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika.
Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya iney qaaddo tallaabo deg deg ah oo ay wax kaga qabanayso tacaddiyada loo geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika,waxayna isku raaceen in loo baahan yahay in la gaaro go’aan wax looga qabanayo waxyeelada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha Koonfur Afrika,mudanayaasha ayaa dhanka kale ka dalbaday dowladda koonfur Afrika iney xusuusnaato abaalkii ay ummadda Soomaaliyeed u gashay,isla markaane ay ka hortagto dhibaatada uu dadkeedu ku hayo Soomaalida.
Markii ay soo dhammaatay doodda ku aaddan sidii wax looga qaban lahaa Mushkiladda Soomaalida ku haysata dalka ee ay samaynayeen mudanayaasha baarlamaanka oo ay si weyn uga dhex muuqdeen gudiga arimaha dibadda ayaa waxaa gabagabadii kulanka ka hor aqriyey gudoomiyaha baarlamaanka Jawaari bayaan kasoo baxay baarlamaanka kuna socday beesha caalamka,bayaanka ayaa waxaa lagu dalbanayey in caalamku uu soo fara galiyo isla markaane uu wax ka qabto tacaddiyada Soomaalida loogu geysanayo dalkaas.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho