Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Banaanbax 2geesood ah oo Garoowe ka dhacay (Sawirro+Warbixin).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Banaanbaxan oo Garoowe ka dhacay soona qaban qaabiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa laba dhinac ku wajahnaa,xooga Banaanbaxa ayaa ku saabsanaa Taageerida Maamulka Jubbaland iyo joojinta Faragelin ay tilmaameen in Dowlada Soomaaliya ay ku hayso Shacabka Jubbooyinka, waxaa sidoo kale banaanbaxa lagu Cambaareeyey Dilalka iyo Xadgudubka aan kala harka lahayn ee Soomaalida loogu gaysto wadanka South-Africa waxaana kasoo qayb galay Gudoomiye yaasha Gobolada Puntland qaarkood Xildhibaano  Haween iyo dhalinyaroba.

 

Xildhibaan C/Laahi Axmed Jaamac (Quraan-Jecel) oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland kana mid ahaa Masuuliyiintii Banaanbaxa sida kulul uga hadlay wuxuu sheegay in Dowlada Federaalka ay ku xadgudubtay Dastuurka Dalka kana soo horjeesatay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Jubbaland kuna tumatay Xuquuqda Umada Soomaaliyeed oo wax ka badashay Dastuurkii lagu heshiiyey ayna kusii dartay buu yiri xildhibaanku in Dagaalo ay ka huriso Magaalada Kismaayo sida uu Xildhibaanku yiri.

 

“ Xasan Sheekh waxaan leeyahay uma qalantid inaad shacabka Soomaaliyeed hogaamiso sidi lagu moodayayna ma tihid sidaan hadaad ku socoto cid maamulkaaga aqbaleysa ma jirto dadka isku dirka hagarta hagardaamada iyo hooga iyo dhibaatada ka daa, waxaan kaloo leeyahay Xasan Sheekh waa kufaye Saacidow Garab qabo oo ka istaaji odayga dhulka una sheeg qaladaadkiisa ileen waxaa muuqaneysa in uu dan gaar ah ka shaqeynayoo tii Caamka ahaydna uu ka tagaye Sidaana waxaa yiri Xildhibaan Quraan Jecel.

 

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo dhigiisa Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali qarjab oo iyo Masuuliyiin kale oo Banaanbaxa ka qayb galay waxay xuseen in Maanta Dowlada Soomaaliyeed aan looga fadhin in ay dalka dib ugu celiso Mugdigii laga soogudbay una horseedin umada Soomaaliyeed Burbur horleh kana deyso Shacabka Jubbaland Caburinta aqoonsatana Cidii ay u doorteen hogaanka, waxay kaloo Masuuliyiintasi Cambaareeyeen Dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Dalka South Africa iyo sida ay Dowladaasi uga damqaneyn Damiir xumada ay ku kacayaan shacabkeeda oo ay ku gumaadayaan Umada Soomaaliyeed iyagoo sheegay in arintaasi lagala xisaabtami doono waqtiyada soo aadan.

 

Mudaharaadka oo ahaa mid balaaran ayaa kusoo dhamaaday Jawi Dagan iyadoo Dadkii kasoo qayb galay Mudaharaadkaasi hadaladana kasoo jeediyay ay fikirkooda ku koobnayd taageerada ay u hayaan Jubbaland iyo dhaliil ay usoo jeediyeen Wadanka South Africa.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles