Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa habeenkii xaley ahaa si weyn logu soo dhaweeyey dalka Australia.
Madaxweynaha yaa dhawaan ka dhoofey dalka Kenya gaara hana magaaladda Nairobi ee xarunta dalkaasi.
Socdaalka uu madaxweynaha ku tagey dalka Australia ayaa la sheegey inuu salka ku hayo kadib marki uu casuumad rasmi ah uu ka heley madaxda dalkaasi Australia.
Madaxweyne Faroole ayaa marki uu ka dagey dalkaasi ayaa waxaa si diraan usoo dhaweyey jaaliyadda reer Puntland ee ku sugan dalkaasi,waxana la arkayey boqolal dadweyne ah oo ku labisna calanka Puntland.
Madaxweynaha yaa lugu wadaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi Australia inuu kulamo la qato masuuliyin kala gadisan oo la filayo inay isla soo qadi doonan arrimo dhor ah oo ay ugu mug weyntahay xaaladda ka jirta Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweyne Cabdirixmaan ayaa la kulmi doona jaaliyada reer Puntland iyo Jubba-land inta uu kusugan yahay Australia.
RBC Radio