Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Midowga Afrika oo Cambaareeyey dagaalada ka dhacay Kismaayo

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Ururka midowga Afrika ayaa cambaareeyey dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose,warsaxaafadeed uu soo saaray wakiilka gaarka ah  ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maxamed Saalax annadif ayuu ku cambaareeyey dagaalada dagaalka labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Kismaayo,wuxuuna ugu yeeray dhinacyada ku dagaalamaya Kismaayo iney joojiyaan dagaalka.

Annadif ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii nabadda iyo kasoo kabashada colaadihii sokeeye,wuxuuna ugu baaqay Soomaalida iney ka faa’iideystaan horumarka dalku ku tallaabsaday iyo taageerada ciidanka AMISOM  ee ka barbar dagaalamaya.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa tilmaamay iney wali jiraan waxyaabo caqab ku ah Mustaqbalka ifaya ee dhanka horumarka  ee ka jira Soomaaliya,wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in dadka shacabka ah lagu dul dagaalamo.

Maxamed Saalax Annadif ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya magaalada Kismaayo iney meel iska dhigaan khilaafaadka siyaasadeed,isla markaane ay wadahadal iyo iyo is afgarad wax walba ku dhammeeyaan.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles