Dhadhaab[RBC Radio]Xerada Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya waxaa ku dhawacantey afar arday kadib markii ay dab uu ka dhashey agab ay wax ku baranayeen.
Dabkaan ay ardadu ku dhaawacmen ayaa la sheegey inuu ka dhashey agab ay ku ay wax ku baranayeen gar ahana maadada Chemistriga oo ay baraatiga ama tusaalenta ay ku qadanayeen qalab ka sameesan kiimakooyin la isku darey.
Maamulka dugsiga ay ardadu ku dhaawacantayey ayaa sheegey in ay arrintaan ka danbesey kadib markii ay ardadu isku shu-shubeen wax yaabo ka sameesan kimiko oo ay casharka ku qadanayeen.
Muuse Maxamed oo sheegey inuu yahay maamulaha dugsiga ay ardadu ku dhawacantey ayaa xaqiijiyey dhab ahanshiyaha warkaan.
Maamulaha ayaa sidoo kale sheegey in ay ad uwanagsan tahay xaaladda caafimad ee ardeyda islamarkana ay markiiba ula cararen isbitaal caafimad si loo daweeyo.
Maadada kimikooyinka lugu barto ee Chemistriga ayaa inta badan waxaa ka dhasha khasaaro haddii si qaldan loo isticmaalo,iyadona inta badan loga digo ardeyda inay ku ciyaaran ama ay isku shushuban xiliyada ay baranayaan madaadasi.
RBC Radio