Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in weerarkii shalay lagu qaaday masuuliyiinta ugu sareeyey maamulka gobolka Banaadir uusan waxba u dhimi doonin hawsha adag ee ay bulshada u hayaan,gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure oo shalay gaarigiisa ay Miino kula qaraxday gudaha degmada Dayniile ayaa sheegay in weerarkaasi uusan hakin doonin dadaalada ay ku doonayaan iney ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa daboolka ka qaaday in amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan,oo aysan ka jirin wax dhibaato ah oo sidaas u weyn,wuxuuna xusay in falkii shalay lagu beegsaday gaariga uu watay oo ay ku dhinteen 2 ka tirsanaa ilaaladiisa uu ka mid yahay dhacdooyinka caadiga ah ee amni xumo ee ka dhaca adduunka balse aan lagu tilmaami karin amni darro ka jirta Muqdisho.
Cali Axmed Guure ayaa wacad ku maray iney sii adkayn doonaan amniga magaalada Muqdisho iyaga oo la kaashanaya shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo xukuumadda Soomaaliyeed sida uu tilmaamay,
Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed ayaa intaa ku daray baaq uu u diray shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ka dalbaday bulshada ku nool caasimadda Muqdisho iney maamulka gobolka Banaadir kala shaqayso isla markaane ay gacan weyn ka siiso xaqiijinta nabadgalyada xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho