Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Soomaalida ku nool K/Afrika oo loogu baaqay iney samaystaan ciidan gaara oo suga amnigooda

$
0
0

 

Capetown(RBC Radio) Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa loogu baaqay iney samaystaan ciidamo gaara oo dammaanad qaada amnigooda si ay uga badbaadaan dhibaatada baaxada weyn ee ku haysata gudaha  dalkaas,Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika Sayid Xasan Shariif ayaa sheegay iney dadka Soomaaliyeed la gudboon tahay iney iyagu ka tashadaan sidii ay u sugan lahaayeen amnigooda.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika ayaa shaaca ka qaaday in sida kaliya ee lagu badbaadin karo nolosha iyo hantida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika ay tahay in Soomaalidu ay gacmaha isqabsadaan isla markaane ay bulsho ahaan u samaytaan ciidamo boolis ah oo ilaaliya nafta iyo Maalka dadka Soomaaliyeed,wuxuuna ballan qaaday in Safaaradu ay sharciyeyn doonto ciidankaasi iyo hubkiisa.

Sayid Shariif ayaa sheegay in hantida Soomaaliyeed ee taalla dalka Koonfur Afrika ay tahay mid fara badan isla markaane Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas  ay gaareyso  70-Kun oo ruux,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney lama huraan tahay inaan indhaha laga fiirsan dhibaatada baaxada weyn ee lagu hayo bulshada intaa la eg ee dalkaas ku haysta hantida faraha badan.

Safiirka Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku celceliyey ahmiyadda ay leedaha midnimada,wuxuuna ka dalbaday dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas iney ka waantoobaan qabyaaladda iyo is kala qaybinta,ayna halmeel uga soo wada jeestaan sidii ay maaro ugu heli lahaayeen iskagana difaaci lahaayeen cadowga usoo tafa xaytay inuu gumaad u geysto mawaadiinta Soomaaliyeed ilsa markaane uu boobo hantidooda.

 

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles