Kismaayo[RBC Radio]Wararka anuu saakey ka heleyno magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaaladdu ay degantahay,inkasto waabarigi hore ee saakey lamaq layey dir-yanka madafic ka dhaceysa duleedka magaaladda.
Warar ay inoo xaqiijiyen saraakiil ka tirsan ciidamada Jubba-land oo lahadley Raxanreeb.com ayaa sheegey in habeenkii xaley ahaa ay gudaha magaaladda usoo galeen ciidamo ka tirsan alshabaab kuwaso tiro ahan lugu qiyaasey inay gaarayan illaa 150-askari,waxana intaa ay ku darayan wararku in ay sura galtahay in dagaal marakale saakey uu ka qarxo Kismaayo ka dib markii labadi maalin ee anuu soo dhafney ay dagaalo gudaha magaaladda ka dhaceen.
Saraakisha ciidamada Jubba-land ayaa tilmaamey in guud ahanba ay magaaladda gacanta ugu jirto marka laga tago xubnaha ka tirsan alshabaabka ee gudaha magaaladda usoo galey inkasto wali an si cadda loo xaqiijin goobaha ay magaaladda kaga suganyihiin.
Dhinaca kale war saakey ka soo baxay ciidamada AMISOM ee Kismaayo kusugan ayaa sheegeya in ciidamada AMISOM ay ka qeyb gali doonan dagaalo haddii ay dhacaan maadama ay magaaladda soo galen markale ciidamo ka tirsan Alshabaab,haddii ay ciidamada AMISOM ay ka qeyb gaalan dagaalada waxaa sii kordhi doona khasaaraha dagaalada ka dhasha maadama iyagu ay adegsanayan hubka nocyadisa kala gadisan.
Maamulka Jubba-land waxaa ay horey u sheegen in dagaaladda Kismaayo ka socda inay qeyb ka yihiin alshabaab ayna yolka ugu weyn ka qadanayso in dagaaladu sii socdan dowladda faderaalka Soomaaliya.
Wali arriintan kama aysan hadlin alshabaab mana aysan cadden in ciidamo iyaga ka tirsan ay gudaha ugaleen Kismaayo.
Wixii war ah ee arriimahaan Kismaayo ka soo cusboonada kala soco warbaahinta Raxanreeb.com.
RBC Radio
Xafiiska wararka Gaalkacyo