Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Nairobi (RBC News) Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa markii uGu horeysay ka hadlay dagaalo ka dhacay magaalada Kismaayo labadii maalmood ee ugu danbeeyey.
Madaxweynaha isaga ku sugan Magaalada Nairobi ayuu saxaafada uga waramay xaalada Kismaayo waxa uuna yiri.
“Shaqaadadii Kismaayo ka dhacday waa ay dhamaadeen magaalada waa la sugay waana lasoo qabqabtay oo shabaab baa dagaalka lasoo galiyey oo wasiir Fiqi baa soo galiyey Saraakiil Al Shabaab ah baa qabanay hub badan baanu ka qabanay meydad baa jira cadeymo dhab ah baa la hayaa saxafada Kismaayood baana ka rajeynayaa in ay soo bandhigi doonto”
Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale sheegay in ay wada kulmeen Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayna isku afgarteen in shirka Xamar lagu qaban doono ay kazoo qayb galaan .
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Sh Axmed Madoobe isaga oo ka jawaabaya qoraalkii ay IGAD kasoo saartay xaalada Jubbaland ayaa sheegay in shirka xamar la isugu tagi doono ay tahay dadka talada iyo siyaasada isku heysa.
“Maamul Goboleedka Jubbaland ma ahan dad iyaga iska yimid ee waxaa waday dadka dhulka degan baa wadatay soomaalida degta oo dhan baa kazoo qeyb gashay iyagaa sameystay iyagaa dhistay iyagaana dadkii matalayey ”
“Waxa wada hadlaya waa Dowlada Fedraalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland laakiin kaalay isku kalaya o dad suuqa laga soo ururinayo isku kaalaya jirimeyso waxyaabaha Madaxweynaha aanu kawada hadalnay ayey kamid aheyd IGAD beyna u taalaa ” ayuu yiri Madaxweyne Axmed
Dhanka Amniga ayuu Madaxweynaha yiri.
“Beel ama dad hub isaga heysan kareysa ma ay jri doonto waxaan isku dayi doonaa cid walba caqliga ay wax ku fahmeyso in aan wax ugu sheegno”
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Sidoo kale Madaxweyne Madoobe waxa uu soo dhaweeyey Siyaasiyiinta kale ee mucaaradsan Jubbaland ee Madaxweynenimada ku sheegeen in ay jubbaland Madaxweyee ka yihiin waxa uuna yiri.
“Nimankaas aad sheegeysaan kuligood waa wada muwaadaniin waxaan rajeynayaain ay dadkoooda wax la qeybsan doonaan waan soo wada dhaweynayaa hadey xitaa 20 noqdaan waa muwaadiniin soomaaliyeed nin walba shaqada uu qaban karo ayaa loo yeelayaa”
RBC News
Nairobi Kenya