Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Munaasabad Xilwareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaarada Haweenka Puntland (Sawirro).

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Xil-Wareejintan waxay ka dhacday Xarunta Wasaarada haweenka ee Magaalada garoowe  waxaana xilka Agaasime-nimo kula kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaarada C/qaadir yuusuf iyo kan cusub C/Raxmaan Maxamuud Xasan,iyadoo munaasabada xil-wareejintaasi ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin ka tirsan Puntland.

 

C/qaadir Yuusuf Agaasimihii hore ee Wasaarada haweenka ayaa xiligii uu xilka wareejinayay wuxuu sheegay in Wasaarada Haweenka Puntland ay tahay Wasaarad shaqeysa kana hawlgasha Gobolada Puntland waxqabadkeeduna uu yahay mid ballaaran xiriir kala duwannah la leh wasaaradaha dhigeeda ah iyo Hay’adaha Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ahba wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in ay ka shaqeeyaan shaqaale Hawlkar ah oo u heelan Hormarka Wasaarada.

 

“waxaan si farxad leh ku wareejinayaa xilkii aan hayay una hayay Wasaarada waxaana ku wareejinayaa walaalkey hada loosoo magacaabay dadkii ila soo shaqeeyay dhamaan tood waan u mahadcelinayaa mana ilaawi doono, anigu meel dheer ma tagin ee Wasaarada Cadaalada ayaan Wasiir ku xigeen ka noqday waana lasii shaqeyn doonaa Wasaarada haweenka xilkana waa wareegto waxaan rajeynayaa in shaqada Wasaarada ay sii laba jibaaranto siina ballaarato.

 

Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Haweenka iyo Hormarinta Arimaha Bulshada ee Qoyska C/Raxmaan Maxamuud Xasan ayaa sheegay in shaqo aysan u hagaagi Karin hadii aysan la hawlgalin Shaqaalaha Dowlada wuxuuna ka dalbaday Hawlwadeenada Wasaarada in ay si gaar ah ula shaqeeyaan una muujiyaan soo dhaweyn sida uu Agaasimuhu yiri.

 

Wasaarada haweenka ayaa xiliyadii ugu dambeeyey waday dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo sare loogu qaadayo hawlaha Wasaarada iyadoo dhawaan  ay Wasaaradu isku diyaa rineyso Qabashada Maalinta Caruurta Africa oo ku beegan 16ka bishan aynu ku guda jirno.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles