Muqdisho(RBC Radio) Kulankii ay maanta magaalada ee caasimadda Soomaaliya ku yeesheen mudanayaasha oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxa ay ka doodeen hindise sharciyadeeka dhismaha xafiiska ilaaliyaha dadweynaha iyo hindise sharciyeedka gudiga dib u eegista iyo hirgalinta dastuurka qaranka
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta wasaaradda garsoorka iyo caddaaladda xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid ahaa wasiirka wasaaraddaas C/llaahi Abyan Nuur wuxuuna maanta markii labaad mudanayaasha ka hor aqriyey labadan hindise sharciyeed.
Shir gudoonka kulanka maanta ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa xildhibaanada xasuusiyay qodobo kamid ah xeer hoosaadka baarlamaanka ee ka hadlaya hindise sharciyadeedyada iyo sharciga looga hor aqrinayo baarlamaanka.
Intaa ka dib ayaa waxaa la guda galay ajandaha kulanka xildhibaana ayaa dood dheer ka yeeshay hindise sharciyadeedyada maanta ay wasaarada garsoorka ka aqrisay baarlamaanka hortiisa,waxaana doodda la siiyay Toban mudane oo ka tirsan baarlamaanka.
Gudoonka kulanka baarlamaanka ayaa sheegay in hindise sharciyeedka wasaaraddu uu taam noqonayo marka saddex mar la horkeeno baarlamaanka,maanta ayaa ahayd maalintii labaad ee kulanka baarlamaanka la horgeynayey hindise sharciyeedyada wasaaradda garsoorka.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho