Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Cusub ee Q/M u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga cusub ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Nicholas Kay,labada masuul ayaa kulan muddo qaatay ku yeeshay xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed.

Markii uu soo gabagaboobay kulankooda ayey warbaahinta uga warbixiyeen waxyaabihii ay ka wada hadleen,madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka ku hormay ayaa sheegay in Xafiiska cusub ee UNSOM ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo Nicholas Kay oo madax ka ah ay kusoo dhaweynayaan dalka.

Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in xafiiska cusub ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee arimaha Soomaaliya uu yahay mid ku yimid rabitaanka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed,” Waxaan u mahad celinayaa Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ee Q/M oo tixgaliyey dalabkii aan hordhignay ee ku saabsanaa nuuca uu noqonayo xafiiska Q/M ee arimaha Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iney la shaqeeyaan xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya si uu xafiiskaasi u meelmariyo qorshaha uu ku doonayo inuu ku caawiyo dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalada kasoo cusboonaaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,wuxuuna ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadaha ka oogan magaalada Kismaayo.

Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweynta dalka loogu sameeyey,wuxuuna hoosta ka xariiqay in xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM uu dalka ka fulin doono mashaariic hormarineed oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya,wuxuuna dhankiisa ku baaqay in la joojiyo dagaalada Kismaayo.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles