Boosaaso[RBC Radio] Ururka Maxaliga ah ee KAALO ayaa maanta u qabtay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan gobolka Bari gaar ahaana Boosaaso Tababar ku saabsanaa Tallaabooyinka la marayo xiliga codbixinta Doorashooyinka Gollaha deegaanka.
Tababarkan ayaa waxaa fulineysay Ururka Maxaliga ah ee KAALO,waxaana gacan ka geysatay Hay’adaha DIAKONIA Iyo SIDA isla markaana waxaa la isku weydaarsaday fikrado kala duwan oo dhanka Codbixinta ah.
Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Puntland u qaabilsan gobolka Bari Cabdullaahi Maxamed Rooble ayaa ka codsaday kazoo qeybgalayaasha kulanka iney si wanaagsan uga faa’ideystaan isla markaana aqoon ka korarsadaan Nuur Shire Cismaan.
……”” Guddiga Doorashooyinku waa kuwa madax-bannaan ,halka Ururada Siyaasaduna yihiin kuwa u Ordaya iney hantaan awooda dalka,Ururka kaalona waa kuwa idin baraya tallaabooyinka Codbixinta…..”””ayuu yiri.
Nuur Shire Cismaan oo kamid ah Saraakiisha Ururka KAALO ee Tababarka bixineysay ayaa u sheegay kazoo qeybgalayaasha ineysan marnaba niyad gelin in Kaalo ay bareyso in cid gaar ah ay u codeeyaan balse la barayo tallaabooyinka la marayo xiliga cod-bixinta.
…..”””” Anagu waxan ku leenahay haddaad codeyneyso sidaas u codey ,kuma lihin Urur u codey ,kuma lihin ha u codeyn, qof weliba xor buu yahay …””ayuu yiri Nuur Shire Cismaan.
Halkan ka Dhageyso Codka Nuur Shire Cismaan Guji Halkan
Ka qeybgalayaasha iyo Nuur Shire Cismaan ayaa is dhaafsaday tallaabooyinka ugu fiican ee ay qaadi karaan xiliga Cod bixinta Doorashooyinka Gollaha deegaan.
Si kastaba Tababarka ayaa qeyb ka ah in bulshada ku dhaqan Puntland la fahamsiiyo tallaabooyinka ay qaadayaan xiliga Doorashooyinka,wuxuuna Ururka KAALO kazoo fuliyey tababaro kuwan oo kale ah deegaano kamid ah Puntland.
_____________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso