Hobyo(RBC Radio) Kooxo hubaysan ayaa maanta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ku toogtay taliyihii ciidanka booliska degmadaas alla ha u naxariistee C/wali Xasan Xirsi,taliyaha ayaa waxaa la sheegayaa inuu ku geeriyooday tacshiirad dhexmartay ciidanka booliska magaalada Hobyo iyo kooxo burcad badeed ah oo fariisin ku leh degmadaas.
Taliyaha geeriyooday ayaa watay ciidan boolis ah kuwaas oo ka waday magaalada Hobyo hawlgal ay kula dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda ah ee ku sugan magaalada Hobyo iyo kooxo la sheegay iney ka ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya,waxaana la tilmaamay in rasaas ay isweydaarsadeen labada dhinac uu taliyuhu ku geeriyooday.
Gudoomiyaha maamulka degmada Hobyo Maxamed Maxamuud Cawaale oo warbaahinta waraysi siiyey ayaa xaqiijiyey geerida taliyihiii ciidanka booliska magaaladaas,wuxuuma tilmaamay iney ku raad joogaan kooxihii burcadka ahaa ee dilka u geystay taliyaha.
Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday ineysan ka harin doonin ilaa ay caddaalada horkeenaan gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey dilka taliyihii ciidanka booliska degmada Hobyo ee gobolka Mudug C/wali Xasan Xirsi,degmada Hobyo ayaa waxaa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ku xooggan yihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo ay wiiqan tahay awoodoodu kadib markii ay culeys weyn saareen maraakiibta dagaalka ka kala socota caalamka ee soo buux dhaafiyey xeebaha dalkeenna Soomaaliya
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho