Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Alshabaab oo degmada Baraawe ku dilay 2 ruux oo ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo

$
0
0

 

Baraawe(RBC Radio) Alshabaab ayaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ku toogtay 2 ruux oo rayid ah oo ay ku eedeeyeen iney ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugidda,alshabaab ayaa goob fagaaro ah kaga dhawaaqay xukunka labada nin ee ay sheegeen iney ku heleen iney ka tirsan yihiin nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed.

Sheekh Cabdul-xaq oo ahaa dacwad qaadaha maxkamadda xukunka riday ayaa ku dhawaaqay go’aanka maxkamadda wuxuuna sheegay in markii ay maxkamaddu ay waraysatay labada eedeysane oo kala ah Fu’aad Nuur Calasow iyo Cali Xuseen Wiilow ay afkooda ka qirteen iney ka u shaqeeyaan ciidanka nabad sugidda Soomaaliya sida uu sheegay.

Cabdul-xaq ayaa in Fu’aad Nuur Calasow markii ay weydiiyeen waxa ka jira danbiga lagu soo eedeeyey ee ah inuu la shaqeeyo sirdoonka dowladda Soomaaliya,wuxuuna sheegay inuu ku jawaabay,”waxaan iska diiwaan galiyey xarunta AMISOM ee Xalane,waxaan soo qaatay Siminaaro dhowr ah,waxaan markii hore ka shaqo bilaabay wadada Ex-Koontarool Afgooye,waxaan baabuurta kala dagay 8 nin oo ka tirsan alshabaab”.

Qaadiga ayaa  sheegay in markii ay caddaatay inuu galay danbiga lagu soo oogay ay maxkamaddu ku riday xukun dil toogasho ah,eedeysanaha ayaan warbaahinta lala hadalsiin,mana jirto wax cadaynaya sheegashada alshabaab ee in Fu’aad uu qirtay inuu ka tirsan yahay nabad sugidda Soomaaliya.

Dacwad qaadaha maxkamadda alshabaab ayaa sidoo kale tilmaamay in Cali Xuseen Wiilow uu isne qirtay inuu lasoo xiriiray nin ka tirsan ciidanka nabad sugidda oo ay qaraabo yihiin,kaasoo  ku xiray sarkaal sare oo ka tirsan nabad sugidda sida uu sheegay.

Wuxuuna tilmaamay in hawshii ugu horeysay uu ka fuliyey deegaanka Baraawe ay ahayd  kadib markii loo sheegay inuu soo gubiyo magaca horjoogaha alshabaab ee degmadaas markii uu gudbiyey magaciisane uu ku qaatay lacag boqol doolar ah sida uu tilmaamay,wuxuuna shaaca ka qaaday in isne dil lagu xukumay,waxayna isla markiiba goobta ku toogteen labadii nin ee dhalinyarada ahaa ee ay ku eedeeyeen iney ka tirsanaayeen ciidanka nabad sugidda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles