Soomaaliya: Hogol colaadeed Dul Gawriirta
Mahad Kooshin
mahadkooshin@hotmail.com
Juunyo 07 2013
Ilayska nabadeed ee Soomaaliya ka ifay ayaa durba banka soo dhigay duruufo hor leh oo la xiriira dhanka dalku u janjeeri doono siyaasad ahaan aayihiisa. Ma har-qoodaal Carbeed ayay Soomaaliya ka soo jeedsan doontaa oo tii shalay baa lagu soo celin doonaa? Mise surun cusub oo saaman danaha dalka ayaa la jeexi doonaa? Ma la qoomaameeyay mise weli jab kale baa u dhimman Soomaali? Waxaa hubaal ah su’aalahaan ficillada looga jawaabi doono ayaa samabixin doona ama hadimo u abuuri doona Soomaali.
Ka dib heshiiskii ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Masar ee dhiillo geliyay madaxda Itoobiya ee horseeday dib-u-garashada ciidankii Itoobiya ee taakulaynayay ciidammada Soomaaliya, ayaa waxaa sii ambaqaaday tuhunkii ay dawladda Itoobiya ka qabtay siyaasadda socod-baradka ah ee dawladda Soomaaliyeed ee curdanka ah. Hoggaanka Soomaaliya waxa uu u muuqday in uu gebi ahaan ka maahsanaa dhawr xigto oo isdaba-joog ahaa; (i) sababaha soo dedejiyay xodxodashada Masaarida, (ii) sababta cilaaqaadkii dalalka derisku u xumaaday, (iii) bixitaankii ciidankii Itoobiya ee banneeyay degmooyinka qaar. Isbeddelkaas hortooda ka dhacayay ayay madaxda Soomaaliyeed sida bulshoweynta daawato ka ahayd. Waxay u muuqdeen in ay daacad ka ahaayeen isdiiddooyinka durba hogol colaadeed (oo ay Masar jiidayso) dul hagoogay. Maamulku waa uu garanwaayay in ayada oo Muqdisho iyo Qaahira heshiis kala saxeexdeen uu askari Itoobiyaan ah gaar-hayeen ka ahaanayn degmo Soomaaliyeed. Ma jiro qorshe-siyaasadeed dheehan garwaaqsiga laylisyadii qaraaraa ee tagtadii shalay.
Kannaalka Itoobiya ka dhistay webiga Niil ayaa cirka ku shareeray dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay ayada iyo Masar oo gaaray heer Masar soo afqaadday weerar ay ku qaaddo Itoobiya. Waraysi uu madaxweyne Mursi bixiyay oo si toos ah hawada looga daawaday ayay la-taliyeyaashiisu u soo jeediyeen in la gaaray wakhtigii Itoobiya si qaawan loo mudan lahaa. Wasiir Masaari ah ayaa isna yiri waxaan taageeraynaa mucaaradka Itoobiya. Waxaa heegan galay ciidanka cirka ee Masar oo tijaabiyay in toos loo duqayn karo kannaalka webiga Niila laga qoday. Waxaa loo kuurgalay adeegsiga gegi diyaaradeed ku taalla Suudaan. Marka intaas oo dhacdo isa soo tarayaan ayaa waxaa magaalada Muqdisho yimid wufuud generaallo ah oo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga ee Masar si uu ugu kuurgalo qaabaynta, tayaynta iyo haqabtirka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ujeeddada ugu weyn ee wefdiga ayaa ahayd in Itoobiyaanka loo tusmeeyo geeskaan in laga soo weerari karo haddii loo baahdo, wefdigaan iyo wefdigii ka horreeyey oo uu hoggaamiyey wasiirka arrimaha dibedda Masar, labadu ba waxay qayb ka yihiin cadaadinta Itoobiya. Muhiimadda koowaad ee Masaaridu ma aha in ay Soomaaliya dagaal geliso. Gunta laga leeyahay waa bidhaan suurogalnimo oo Masar ku hanato cudud siyaasadeed ay kula gorgortanto Itoobiya. Sidaas darteed heshiiskii Masaarida ee Muqdisho ugu horrayn baaq ayaa looga gol lahaa maadaama ay ogsoon tahay Soomaaliya dagaal tabar uma hayso – waa un xuuxin iyo gacan-maroojis diblomaasiyeed. Hase ahaatee Soomaaliya ayaa labo waran ku gedaaman yihiin oo ay adag tahay si ay uga waabato haddii aysan danaheeda u istaagin.
Waxaa cad in Masar u aragto Soomaaliya dal ay si fudud danaheeda uga fulin karto dhib yaraan. Waxay ku yeelatay saamayn ballaaran oo ay weli ba la tiigsatay dalal kale oo Carbeed – sida Qadar. Waxay beertay Carabayntii Soomaalida ee shaki gelisay Afrikaan ahaanshaha Soomaalida. Saamayntii Carbeed ee Soomaaliya waxay dhalisay jarowareer lixaad leh teer dawladaha derisku ka doc xigsaday Afrika inteeda kale oo maragmuujiyay Soomaaliya dal Carab ah oo Afrikaannimada aan u bislayn. Taasu waxay horseedday sannadihii ‘70kii iyo ‘80kii in Kiinya iyo Itoobiya oo taageero Afrikaannimo ka helay qaaradda inteeda badan ku heshiiyeen iska caabin midaysan oo Soomaaliya ah. Waxaa dheer, Soomaaliya ayaa ku gacal beeshay markii ay burburtay oo cidla ciirsila looga dhaqaaqay. Muddadii burburku jiray qolo ba danaheeda ayay dalka u tiigsanaysay. Carabtu waxay naasnuujisay Islaamiiysteyaal u gabraarta, dalalka derisku na maamul goboleedyo taas ka hortaga. Tusaale ahaan dagaalkii Cabdullaahi Yuusuf iyo urur diimeedyadii wuxuu u dhexeeyay Afrika iyo Carabta, waxaa se ku basbeelay danyar Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Waa yaab iyo amakaag; sidee madaxdu u garan waayeen siyaasadda Geeska Afrika intaas oo gu’aad ka dib? Ma waxay u adeegaan beeralayda Masar mise saboolka Soomaaliyeed? Maxaa dalku danaha Masar ugu dabar adaygay teer uu ku burburay oo ka soo kaban waayay? Maxay Soomaaliya uga gaabsataa wax-ku-yeelashada arrimaha Afrika oo Carabta u kabo qaadaa? Maxaa madaxda Soomaaliyeed Carabta uga xishoodaan oo ugu hanuunsan yihiin rabitaankooda? Sutida dalku waa u dhoy la’dahay godobta siyaasad-xumadooda in bulshadu u aanoobi doonto ugu dambaynta.
Waxaa lagama’maarmaan ah in Soomaaliya dhidibbada u taagto gobannimo siyaasadeed oo si madaxbannaan danaheeda u abbaarto oo ka gees ahaato dabinnada la maleego. Waa in ay dabaysha siyaasadeed falanqayso oo ogsoonaato dhabta ah “ ma jiro dal dhayalsada nabad sugidda”. Danta Soomaaliya iyo Itoobiya waa isku mid. Deris-wanaagga ayay labada dal daneeyaan. Itoobiya in badan ayay u dhuundhalooshay in Soomaaliya xaqiijiso hammigeeda nabadeed ee geeska Afrika. Waxay tebaysaa madax muujisa in ay arrintaas ka daacad yihiin oo soo afjara shakiga ay ka qabto aagga bari. Hoggaanka qaddariya deris-wanaagga waxaa uu kasban doonaa taageero dalka u fududayn doonta midnimada iyo xoojinta dawladda dhexe; taas ka-soo-horjeedkeeda waxaa ku yoto’an hubaynta hoggaamiye kooxeedka, gadoodka maamul goboleedyada iyo qalalaase aan dhammaad lahayn.
Siyaasadda wakhtigu u garsheegtay ee geyiga ee dalku ku dhiiqooday ayaa diiddan in Soomaaliya agnaan ka ahaato isbeddellada dhacaya xataa haddii madaxda dalku garanwayday. Fursad dalku uu labo waddo mid doorto ayaa maanta banka taal. Madaxweynihii hore ee geeryooday, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa yiri “Masar dhibka iyada Itoobiya kala dhaxeeya ayay rabtaa in ay Soomaaliya u adeegsato”. Oraahdaas ujeeddadeedu ahayd Masareey meeshaada annaga na meesheenna ayaa ahayd waajibaad masuuliyadeed geesinnimo dhiiran guudka ku sidatay. Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud waxaa laga sugayaa mowqif cad oo ku saabsan arrinta soo caariday ee dhalin karta dagaal Soomaaliya ku dhex mara Itoobiya iyo Masar. Maxaa u qorshaysan, maxaa se shanqar looga waayay? Mise waa Islaamiiste ay Masar maalgelisay doorashadiisa oo danta Masar u heellan?
Mahad Kooshin
=================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM