Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20464

Kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidanka AMISOM oo Muqdisho qarax lagula eegtay

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Kolonyo ka tirsan gaadiidka ciidanka AMISOM ayaa maanta barqadii qarax miino lagula eegtay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir,miinada oo ahayd nuuca dhulka lagu aaso ee laga hago meelaha fog fog ayaa lala bartilmaameedsaday kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo marayey degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa inoo sheegay in qaraxa miino uu haleelay mid ka mid ah Gaadiidka qafilan ee ay wateen ciidanka AMISOM,khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa waxaa kasoo baxay warar iskhilaafsan waxaana la sheegayaa iney ku dhaawacmeen 3 ruux oo rayid ah,mana cadda khasaaraha gaaray ciidankii AMISOM ee uu bartilmaameedku ahaa,walow ay sheegayaan wararka aan heleyno in qaraxu uu waxyeeleeyey mid kamid ah gaadiidka ay wateen ciidanka AMISOM.

Gudoomiyaha degmada Kaxda ee gobolka Banaadir C/wali Yuusuf oo warbaahintu ay wax ka weydiisay qaraxa ayaa sheegay in qaraxu uu ahaa miino dhulka lagu aasay isla markaane lala eegtay Kolonyo ka tirsan gaadiidka AMISOM,wuxuuna meesha ka saaray in qaraxaas uu khasaaro kasoo gaaray ciidankii la weeraray ee AMISOM.

Gudoomiyaha ayaa sheegay iney goobta soo gaareen ciidank ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM halkaasne ay ka wadaan hawlgallo ay kusoo qabqabteen dad ay ku tuhunsan yihiin iney ka danbeeyaan qaraxa lala eegtay ciidanka AMISOM.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20464

Trending Articles