Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Munaasabada sanad guuradii 36-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka Jabuuti oo Beledweyne lagu qabtay

$
0
0

 

Beledweyne (RBC Radio) Munaasabada ballaaran oo lagu maamuusayo xuska 36 guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Jabuuti ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,munaasabada oo ka dhacday xerada ceel-Jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne waxaana ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan Saraakiisha ciidank Jabuuti ee hawlgalka AMISOM iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gen.Cismaan Subagle  oo ah abaanduulaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan oo ka hadlay munaasabada xuska maalinta aasaaska ciidanka Jabuuti ayaa ku booriyey ciidanka Jabuuti iney qayb weyn ka ciyaaraan soo celinta xasiloonida dalka Soomaaliya isla markaane ay si wanaagsan uga soo dhalaalaan hawsha loo igmaday.

Taliyaha ciidanka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ee ku sugan magaalada Beledweyne Cismaan Dubbad ayaa sheegay in ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ay wax wanaagsan ka qabteen intii ay ku sugnaayeen gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cismaan Dubbad ayaa sheegay iney door muhim ah ka ciyaareen nabadda ka jirta magaalada Beledweyne,wuxuuna tilmaamay iney  dhanka kale gargaar u fidiyeen shacabka magaalada Beledweyne xiliyadii uu wabigu ku fatahay magaalada iyo markii magaaladaasi ka dillaacay cudurka Shuban-biyoodka.

Ciidanka Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay xaqiijinta amniga magaaladadaas oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles