Jowhar(RBC Radio) Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay alshabaab ee ku saabsanaa iney dileen 5 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya kuwaas oo dhac iyo dhibaatooyin kale ku hayey bulshada ku dhaqan gobolka Shabeelaha dhexe,taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/llaahi Cali Caanood ayaa beeniyey warkaas.
Gen. Caanood ayaa sheegay in ciidanka la dilay ay ka tirsanaayeen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya,wuxuuna beeniyey iney ahaayeen burcad dhibaato ku hayey shacabka ku dhaqan deegaanada duleedka ka ah magaalada Jowhar”waxay ahaayeen ciidan sahan ah oo ka tirsan milateriga qaranka,waxayna si kadis ah u kulmeen ciidan ka tirsan alshabaab,waxaana halkaas ku dhexmar dagaal,waxaana goobtaa ku dhintay 3 askari oo ka tirsan ciidanka iyo 2 kamid ahaa shabaabkii dagaalka la galay” ayuu yiri taliyaha Gaaska Koowaad ee ciidanka Soomaaliya C/llaahi Cali Caanood.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka alshabaab ee askarta dagaalka la galay ay wateen gaari Hoomey ah,wuxuuna tibaaxay iney si lama filaan ah rasaas u huwiyeen taasoo keentay geerida 3-da askari ee ka tirsan ciidanka milateriga dowladda Soomaaliya ee uu sheegay iney sahanka ahaayeen.
Gudoomiyaha alshabaab ee gobolka Shabeelaha dhex Sheekh e Yuusuf Ciise Kabakutukade oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegtay iney dileen 5 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya kuwaas oo uu ku tilmaamay iney ahaayeen burcad dhac iyo kufsi ku hayey shacabka ku dhaqan deegaanada hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho