Muqdisho(RBC Radio) Qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney ka dhiidhiyaan dhibaatada ba’an ee bulshada Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iney ka gadoodaan dhibaatada baahsan ee lagu hayo Soomaalida ku ganacsada dalka Koonfur Afrika.
Xildhibaanka ayaa shacabka ku dhaqan gudaha dalka iyo dibadisaba ku booriyey iney dhigaan Bannaanbaxyo waaweyn oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku aaddan tacadiyada arxan darrada ah ee lagula kacayo mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.
Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay la gudboon tahay iney muujiyaan shucuurtooda ku aaddan dhibaatada lagu hayo walaalahooda Soomaaliyeed ee lagu gumaadayo wadanka Koonfur Afrika,wuxuuna ugu yeeray bulshada Soomaaliyeed iney cod ku muujiyaan sida ay uga xunyihiin dhibaatada lagu hayo Soomaalida.