Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo u xiran Burcad Liibiyaan ah oo ka dalbaday dowladd DFS iney wax u qabato

$
0
0

 

Libya(RBC Radio) Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo u xiran burcad Liibiyaan ah ayaa laga dayrinayaa xaaladooda,dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku jira gacanta burcadda Liibiyaanka ah ayaa gaaraya ilaa 300 ruux kuwaas oo lagu hayo deegaano ku yaalla saxaraha kala qaybiya dalalka Liibiya iyo Suudaan.

Qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee gacanta ugu jiray kooxahaasi burcadka ah oo lasoo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay iney dhibaato ba’an ku hayaan kooxaha ay u xiran yihiin,waxayna tilmaameen in lagu amray iney bixiyaan lacago 2-Kun oo doolar qofkiiba si ay u sii daayaan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegaya in ragga gacanta ku haya ay kula kacaan falal ka baxsan Bini aadaninimada oo ay ku ciqaabaan dhalinyarada Soomaaliyeed,waxayna tilmaameen in loo geysto jirdil arxan darro ah,waxayna intaa ku dareen in hadii ay bixiyaan lacagaha ay sheegteen aysan sii dayneen oo ay usii dhiibayaan kooxo kale oo burcad ah kuwaas oo iyagune dalbanaya lacago kale oo madax furasho ah.

Waxayna ka dalbadeen dowladda Soomaaliya iney si deg deg ah wax uga qabato dhibaatada ku haysata halkaasi,Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Liibiya oo wax laga weydiiyey dhibaatada dhalinta Soomaaliyeed ku haysata Saxaraha kala qaybiya Suudaan iyo Liibiya ayaa sheegay inuu marar badan ka digay in dhalintu ay ka waantoobaan tahriibta.

“marar badan ayaan ku iri hasoo tariibinina,ha u qaylo dirsadaan dadkii beenta usoo sheegay ee ku yiri 2 maalmood ayaa lagu tagayaa Liibiya” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Liibiya,wuxuuna si cad u sheegay in safaaraddu aysan waxba u qaban karin dhalinyarada halkaa ku dhibaataysan.

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles