Sh/dhexe(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dil shalay duleedka magaalada Jowhar loogu geystay 5 ruux oo ku labisnaa direeska ciidanka dowladda Soomaaliya,gudoomiyaha alshabaab ugu magacaaban gobolka Shabeelaha dhexe sheekh yuusuf Ciise Kabakutukade ayaa sheegay in alshabaab ay masuul ka ahaayeen raggaasi lagu dilay duleedka magaalada Jowhar.
Sheekh Kabakutukade ayaa sheegay in dadka ay dileen ay ahaayeen burcad dhibaato ba’an ki hayey shacabka deegaanadaas,wuxuuna tilmaamay in dilkooda ay iska kaashadeen ciidamada alshabaab iyo shacabka deegaanka ku dhaqan oo ay dhibaato u geysanayeen sida uu tilmaamay gudoomiyaha alshabaab ee Shabeelaha hoose.
Kabakutukade ayaa in ragga ay dileen oo sida uu tilmaamay ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ay dhac fool xun ku hayeen shacabka kunool deegaanadaas,wuxuuna xusay iney in muddo ah ku raadjoogeen ugu danbayntiine ay shalay gacanta ku dhigeen ayna marsiiyeen waajibkooda sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Yuusuf Ciise Kabakutikade ayaa intaa ku daray in nimanka ay dileen ay kufsi iyo dhac ba’an ka wadeen deegaanka,wuxuuna tibaaxay in alshabaab ay u dagaalamayaan sidii ay shacabka dhibaatada uga dulqaadi lahaayeen sida uu hadalka u yiri,wuxuuna digniin u diray iney sidan si lamid ah u dili doonaan ciddii shacabka dhibaateysa.
Saraakiisha ciidanka dowladda iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa iilaa hadda ka hadlin dilka loo geystay raggan ku labisan direeska ciidanka dowladda, ee alshabaabku ay sheegeen iney ka tirsanaayeen milateriga dowladda Soomaaliya.
RBC Radio