Boosaaso[RBC Radio] Kooxo Burcadbadeed ah ayaa maanta afduub u geystay Doono Xoolo-nool ka qaaday dekedda magaaladda Boosaaso xarunta gobolka Bari.
Doonyta ayaa ka ambabaxday Dekedda Boosaaso,waxayna kusoo jeeday wadanka Qadar balse meel 20-mayl u jirta magaaladda ayaa kooxo Burcadbadeed ah ka afduubteen,
Xareed Maxamuud Yuusuf oo ah wakiilka doonta afduubka loo geystay ayaa Saxaafada u sheegay in doonta laga afduubtay meel 20-mayl u jirta dekedda magaaladda Boosaaso isla markaana ay siday Xoolo-noo oo gaaraya 596-neef oo lo’ah kuwaas ay u wadey wadanka Qadar.
Waxa uu sheegay in Naakhuudaha Doonta oo lagu magacaabo Rafiiqi al-Xariiri uu kusoo wargeliyey in Saddex nin oo hubeysan ay afduubteen isla markaana la wareegeen hoggaanka doonta,
Wakiilka doonta ayaa sidoo kale sheegay in doonta lagu magacaabo Shaahi al-Nuuri ayna ka baxday dekeda magaalada Boosaaso markii la tukaday Salaada balse nasiib daro afduub loo geystay.
…”””Waxay doontu sidaa 596-neef oo lo’ah,waxayna u socotay dekedda wadanka Qadar,waxayna ka baxday Boosaaso markii Salaada la tukaday magaceedana waxaa la yiraahdaa Shaahi al-Nuuri ,wuxuuna yiri kabtanku labaatan mayl baa la I jiraa markii danbena Isgaarsiintii baa laga qaaday ….””ayuu yiri.
Waxaa xusid mudan in doonta Shaahi al-Nuuri ayaa saaranyihiin 15-qof oo shaqaale ah oo u dhashay wadanka Hindiya,waxayna dhamaantood iminka ku jiraan gacanta afduubayaasha oo Saddex nin lagu sheegay,kuwaas oo ku weeraray laash yar oo ay wateen.
Wasiirka Wasaarada Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa Saxaafada u sheegay in doonta la afduubtay kadaba direen Ciidamo kuwaas ilaa iminka wax war laga hayn balse ku maqan.
______________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com