Boosaaso[RBC Radio] Ciidamada amniga Puntland gaar ahaana kuwa Daraawiishta iyo kuwa Booliska ayaa hawlgalo ballaaran ka bilaabay gudaha magaaladda Boosaaso 24-kii saac ee la soo dhaafay,waxayna Isku fidiyeen guud ahaan magaalada.
Ciidamada ayaa ay durba hawlgalkoodu kusoo qabqabtay 50-meeyo qof oo u badan dhalinyaro,waxayna dhamaantood hadda ku jiraan Xabsiyada magaaladda,
Sidoo kale Ciidamada ayaa lagu arkayey iyagoo baaritaano Xoogan ka wada Wadooyinka halbowlaha u ah magaaaladda,waxayna Joojinayeen Gawaarida iyo dadka balse Xaaladu waxay u muuqatay mid caadi ah iyadoona dadka iyo Ciidanku ahaayeen kuwada wada shaqeynaya.
Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo Saxaafada gudaha la hadlay ayaa sheegay in hawgalada Ciidanka ka sameeyeen guud ahaan magaalada Boosaaso welina uu socdo.
Waxa uu sheegay in hawgalada ay Ciidamadu kusoo qabqabteen dad kor u dhaafaya 50-meeyo-qof isla mar ahaantaana magaalada afarteeda gees la baarayo.
…””” Dadka hadeer la qabtay ilaa iyo 50-meeyo waa gaarayan laakiin waa la kala baarayaa kuligood danbiilayaal maahan.welina hawlgalku wuu socdaa wuuna socon doonaa…….”””ayuu yiri.
Wuxuu xusay in dadka la qabqabtay lagu wado baaris lagu kala saarayo isla markaana hawgaladu ay noqon doonaan kuwa muddo si socdo.
…””Dad baa la qabqabtay laakiin dadkaas weli baaris bey ku jiraan,magaalada afarteeda geesna waa la baarayaa hawshaasna mid muddo soconeysa ayey noqoneysaa…””ayuu yiri.
Wuxuu sheegay oo kale ……”””” Guud ahaan magaalada oo dhan buu ka socdaa sababtoo ah marabno in qof danbiile ah oo Ummada dhibay uu ka fakado .waxaana rabnaa inaan qofna ka fikan…”””ayuu yiri.
___________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com