Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda amniga dawladda Puntland ayaa manta Saxaafadda usoo bandhigatay Sarkaalka ay sheegtay in uu ka tirsanyahay Ururka Al-Shabaab,kaas oo shalay lagu qabtay hawlgal ay Ciidamadu ka sameeyeen magaaladda Boosaaso.
Warbaahinta ka hawlgasha gudaha magaaladda Boosaaso ayey Wasaarada amnigu u ogolaatay iney Sawirro iyo Muuqaalo ka qaataan ninka ay sheegtay in Ururka Al-Shabaab uu u qaabilsanaa dhinaca Amniyaadka,
Wasiirka amniga Dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Sarkaalka intaan la qaban uu is difaacay isla markaana dhaawac soo gaaray looga daweynayo Isbitaalka magaaladda Boosaaso isla markaana muddo ay dabagal ku hayeen haddana gacanta ku dhigeen.
…””Ninkaani waa nin aan muddo daba soconay kiiskiisaan haynaa waana qabanay waana la hayaa.ninkaana kaligayagu iskama qabane ee Xog (Information) aan ka helnay danbibaarayaashayada gudaha ayaa noo soo gudbiyey…””ayuu yiri Khaliif Ciise Mudan.
Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in Sarkaalka ay qabteen lagu magacaabo Cabdikaafi Maxamed Cali da’ahaana uu jiro 25-sano lagu daaweynayo Isbitaalka Boosaaso.
Wuxuu intaas ku daray Wasiirka amnigu in Cabdikaafi Maxamed Cali hadda Xaaladiisa Caafimaad ay tahay mid wanaagsan sida ugu dhakhsiyaha badana ugu sameyn doonaan Baaritaan ka dibna Maxkamada u gudbin doonaan si sharciga loogu qaado.
……”” Ninka amniyaadka Madaxa u ah ee aan qabanay Magaciisa waxaa la yiraahdaa Cabdikaafi Maxamed Cali sida uu noo sheegtay isagu.ninkaasi waa 25-jir dhakhtarku ku jiraa waana Caafimaad qabaa hadda wixii ka danbeeya baaristiisa iyo Maxkamadiisaan bilaabeynaa…”"“ayuu yiri
Dhanka kale ehelada AUN Marxuum Raage Diiriye Faarax oo ay walaalo yihiin Taliyaha Ciidamada Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa ku dooday in Marxuumka dhintay ku dhiman Xabadaha uu ridayey Sarkaalka la qabtay balse uu ku baxay gacanta Ciidamada Puntland.
Dawladda Puntland kama aysan hadlin eedeynta kazoo yeertay Ehelada Marxuum Raage Diiriye Faarax balse hadda waxaa soconeysa wadahadal u dhaxeeya labada dhinac.
Si kastaba Xaaladda guud ee magaalada Boosaaso ayaa hadda ah mid degan wallow Ciidamada amnigu wadaan baaritaano xoogan,waxaana hadal haynta ugu badan ee shacabku ay noqotay qabashada Sarkaal taasoo dadku badankoodu soo dhaweeyeen.
___________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso
turrabi30@gmail.com