Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka G/Banaadir oo Muqdisho ka hirgaliyey xarun lagu xannaaneeyo Carruurta Darbi-jiifka ah

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka hirgaliyey xarumo lagu xannaaneeyo carruurta Darbi-jiifka ah,C/kaafi Hilowle xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulku uu wadooyinka magaalada Muqdisho ka aruuriyey carruur fara badan oo Darbi-jiif ah.

C/kaafi Hilowle ayaa sheegay in carruurtaasi ay u diyaariyeen xarumo lagu xannaaneeyo,kuwaas oo leh Dugsi Qur’aan dugsi waxbarasho,jiif iyo cunto,wuxuuna tibaaxay in maamulka gobolka Banaadir uu xil weyn iska saari hirgalinta arintaas uuna bixinayo kharaska ku baxaya.

Xog-hayaha gobolka ayaa tilmaamay iney xaruntaa ka hirgaliyeen degmada C/casiis ee gobolka Banaadir,isagoona sheegay iney xiligan goobtaasi ku xareeyeen carruur gaaraya 4 boqol oo ah ilmaha Darbi-jiifka ahaa oo uu sheegay iney kasoo aruuriyeen wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in hadii aan hadda wax laga qaban lagana hortagi Mustabal xumada haysata Carruurtaas ay hadhow dhibaatayn doonaan shacabka Soomaaliyeed taasne aysan iyagu eedda ku lahayn sida uu tilmaamay,wuxuuna xusay iney waajib tahay in laga dhiidhiyo dhibaatada haysata ubadka Soomaaliyeed ee ku dacdareysan wadooyinka Muqdisho.

C/kaafi Hilowle ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan Mashruuca loogu gurmanayo ilmaha Darbi-jiifka ah ee uu hormuudka ka yahay maamulka gobolka Banaadir

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles